Laba Carruur ah Oo ku dhintay Dab ka kacay Badhtamaha magaalada Hargeysa.

Laba Carruur ah ayaa ku dhintay Dab ka kacay guryo Jiingado ah oo ku yaalla garoonka Line Bilayska ee Badhtamaha magaalada Hargeysa.
Lama oga sababta dhalisay Dabkaasi.
Guryaha gubtay ee khasaaruhu ka dhashay ayaa ka dhisnaa gudaha Garoon kubbada lagu ciyaarro oo halkaas ku yaal.
Carruurta ku dhimatay Dabka ayaa waxa dhalay Askari ka Tirsan Ciidanka Booliska.
Ciidanka Dabdamiska ayaa gurmad ku soo gaadhay goobta gubashadu ka dhacday.
Taliyaha Ciidanka dabdamiska Axmed Sawaaxili oo markii la bakhtiiyey wariyeyaal la hadlay ayaa sheegay inay caqabad ku noqotay waddo xumada meesha dabku ka kacay.
Maayirka Hargeysa iyo Badhasaabka Gobolka ayaa soo gaadhay meesha gubatay, waxaanay ka tacsiyadeeyeen qoyska dhibaatadu soo gaadhay.
“Askari Ciidanka Boolis ah oo waliba howlgal ku maqnaa ayaa dhalay Carruurta dhimatay. waanu la qaybsanaynaa Murugada Caawa Qoyskaa ku timi” Badhasaabka M/jeex, Jaamac Xaaji Cabdi.
“Dadka waddooyinka xidhay ka yeelli mayno. beri markaanu Aaska ka soo noqono ayaanu go’aan ka qaadanaynaa dadka xidhay waddooyinka”Maayirka Hargeysa Cabdikarin Axmed Mooge.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker