Gudida sare ee jaaliyada Somaliland ee gobalka Minnesota oo doortay hogaan cusub

Shir ay isku yimaadeen gudida sare ee jaaliyada Somaliland ee gobalka Minnesota kulankaas oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota kulaankaas mudadii u socday waxay xubnaha sare ee jaaliyadu si adag udoodeen baahida loo qabo hogaan ku meel gaadha ah oo jaaliyada ka saara xiliga kala guurka iilaa inta laga soo dooranayo hogaan ku yimaado doorasho , waxaana kulankaas gudida sare ee jaaliyadu hogaan ku meel gaadh ah ugu doortay inuu noqdo gudoomiye ku meel gaadha ah ee ee jaaliyada Somaliland ee gobalka Minnesota mudane Cali Farah Cali.

Sidoo kale xubnaha sare ee jaaliyadu waxa halkaas ka balan qaadeen inay gudoomiyaha kala shaqayn doonaan hawlaha kala gedisan ee jaaliyada Somaliland ee gobalka Minnesota , dhanka kalena waxa isna kulanka ka hadalay gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee jaaliyada Cali Farah waxaana uga mahad celiey gudida sare ee xilkana u doortay waxaana balan qaaday inuu ka shaqayn doono midnimda iyo jiritaanka jaaliyada .

 


Afhayeenka jaaliyada Somaliland ee gobalka Minnesota
Abdinaasir Jama
Email: farjano111@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker