Ruushka oo ka hadlay gantaalkii ku dhacay Poland

Ra’iisul Wasaaraha dalka Poland Mateusz Morawiecki ayaa dadka ugu baaqay inay is dejiyaan kaddib markii gantaal lagu sameeyay Ruushka uu labo qof ku dilay xaafad ku taalla dalkaas oo u dhow xadka Ukraine.

Dowladda Poland ayaa goor sii horreysay sheegtay inaysan caddeyn u heyn cidda ka dambeysa gantaalkaas.

Xukuumadda Mocow ayaa beenisay eedeymaha ah inay ka dambeysay gantaalkii ku dhacay Poland.

Afhayeen u hadlay aqalka Kremlin-ka oo lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa sheegay in aysan wax war ah ka heyn qaraxa.

Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa sheegtay in gantaallada Ukraine ay ku dhaceen Poland.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in aysan dhici karin” in gantaalkii ay ku dhinteen labada qof ee ku dhacay dalka Poland laga soo riday dhinaca Ruushka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker