Guddoomiye C/ risaaq Khaliif Oo Magaaladda Laascaanood Dib Ugu Laabtay, Kadib Dhawr Cisho Oo Uu Joogay Hargeysa.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee JSL Oo Magaaladda Laascaanood Dib Ugu Laabtay, Kadib Dhawr Cisho Oo Uu Joogay Caasimadda Dalka Ee Hargeysa.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee JSL Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Ayaa Magaaladda Laascaanood Ee Xaruunta Gobolka Sool Dib Ugu Laabtay, Kadib Dhawr Cisho Oo Uu Joogay Caasimadda Dalka Ee Hargeysa.
Guddoomiyaha oo maalmo kooban Joogay Hargeysa, Ayaa Sheegay in uu Madaxweynaha kula soo noqdey la tashi iyo war bixin ku Xaaladda Magaaladdaas .
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in madax dhaqameedka ku shiraya Magaaladda Laascaanood ay ku dhawaaqaan go’aamo.