Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Oo Shir kaga Qayb-galay Addis Ababa+Sawiro

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia , Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay kulanka gaarka ah ee 68aad ee Golaha Wasiirrada IGAD oo ka furmay  Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Kulanka ayaa  sidoo kale ka qeybgaleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Uganda.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada xubnaha ka ah IGAD waxa ay ka doodeen xaaladda Suudaan iyo horumarka laga gaaray howlaha taabagelinta dib u noolaynta geedi socodka Koonfurta Suudaan.

Wasiir Cawad ayaa halkaasi kusoo bandhigay dhibaatooyinka xilligaan ka jira dalka Soomaaliya iyo horumarka guud ahaaneed oo ay ku tallaabsatay dowladda Federaalka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker