Madaxweynaha Wadanka Faransiiska Macron Oo Ugu Dambayntii Ka Jawaab Celiyay Cabashada Shacabkiisa.
Paris-(OWN)-Madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron ayaa ballan qaaday in uu mishaarka kordhin doono sidoo kalana canshuuta la dhimmi doono, taasi oo jawaab u ah khalalaasihii toddobaadyadii la soo dhaafay daashaday dalka faransiiska.
Madaxweynaha oo ka hadlayay telefishinka ayaa cambaareeyay khalalaasihii ka dhacay dalka, balse waxa uu sheegay in marka si loo eego ay ahaayeen suuragal.
“Mushaarka ayaa lagu dari doono €100 laga bilaabo sanadka 2019-ka” ayuu yiri Mr Macron.
Qorshe loogu kordhin rabay canshuurta dadka dan yarta ah ayaa la meesha laga saraay balse madaxweynaha waxa uu diiday in canshuurta sidii hore loogu soo celiyo dadka maalqabeenka ah.
Muxuu Macron ka yidhi dibadbaxyada?
Mr Macron ayaa aqbalay in dad badan aysan ku farax sanayn xaaladda ay ku noolyihiin ayna dareemeen in aan la dhagaysan cabashadooda balse Mr Macron, ayaa markii hore aad u dhaleeceeyay dibadbaxyada hareeyay waddankiisa.
Xilliyadii ay dibadbaxyada dheceen iyo dadkii ku wax yeeloobay
17 November: 282,000 dibedbaxayaal- hal qof ayaa ku dhintay, 409 ayaa ku dhaawacantay- 73 ayaa cabsiga loo taxaabay.
24 November: 166,000 dibedbaxayaal – 84 ayaa dhawaacantay- 307 waa la xiray.
1 December: 136,000 dibedbaxayaal -, hal qof ayaa ku dhintay -263 dhaawac ayaa soo gaaray- 630 xabsi ayaa la geeyay.
8 December: 136,000 dibedbaxayaal – 118 waa ay dhaawacantay- 1,220 xabsiga ayaa la dhigay