Daawo: Falanqaynta Ciyaaraha .Real Madrid oo Hogaanka U qabatay Horyaalka Dalkeeda ee La Liiga
Real Madrid ayaa xalay Hoggaanka horyaalka LaLiga ku qabatay lix dhibcood oo ay kaga sare martay Barcelona oo caawa ciyaaraysa, kaddib markii ay 1-0 kaga badisay Atletico Madrid oo xalay ugu timid Santiago Bernabeu.
Tababare Zidane ayaa kulankan kusoo bilaabay shan ciyaartoy oo khadka dhexe ah iyo hal weeraryahan oo kaliya, taasina waxay fursad siisay Atletico Madrid oo qaybtii hore ku dhowaatay inay goolal hesho, hase yeeshee waqtigii nasashada ayuu tababaraha reer France beddelay Toni Kroos iyo Isco, waxaanu kusoo beddelay Vinicius Junior iyo Lucas Vazquez isagoo shaxdiisii hore ee ahayd 4-5-1 u rogay 4-3-3.
Goolka Los Blancos ay ku badisay ayaa yimid qaybtii dambe waxaana kasoo shaqeeyey Vinicius iyo Mendy ka hor intii aanay kubaddu gaadhin Karim Benzema oo shabaqa ku hubsaday.
Tababare Zidane ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay qirtay inuu sameeyey qalad qaybtii hore taas oo keentay inuu xagga dambe ka saxo, waxaanu iska diiday inuu canaan u jeediyo Kroos iyo Isco.
“Waxay ahayd inaan isbeddel sameeyo, sababtoo ah kumaan faraxsanayn wixii aan arkayey (qaybtii hore), laakiin may ahayn qalad dhinaca ciyaartoyga ah, wuxuu ahaa qalad aniga iga yimid.” Ayuu Zidane yidhi ciyaarta kaddib.
Daawo: Falanqaynta Ciyaaraha . oo Dhamaystiran