Qarax Ciidanka Kenya Lagula Eegtay Wajeer
Ku dhawaad 10 askari oo ka tirsan ciidamada ciidamada Kenya ayaa ku dhintay, kaddib marki baabuur ay la socdeen maanta miino lagula beegsaday inta u dhaxeysa deegaannada Qoraf Xaraar iyo Konton oo aad ugu dhaw xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada la weeraray ay ka tageen magaalada Wajeer iyaga oo kusii jeeday deegaanka Konton.
Lama oga tirada saxda ah ee saarneyd gaariga qaraxa lala eegtay, balse warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa sheegtay in loo maleynayo in weerarka lagu dilay 13 askari.
Deegaanka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa habeen hore lagu afduubtay ilaa sadex ka tirsanaa ciidanka keydka Kenya, kuwaasoo ay afduubteen Xubno ka tirsan Al Shabaab.
Ma ahan marki ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan booliska iyo millatariga Kenya lagu weeraro deegaanada dhaca xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.