Ha,add UEFA Oo Daabacday Liiska Kooxaha Ugu Fiican Yurub

Xidhiidhka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa soo saartay qiimeyntii ugu danbeysay ee kooxaha Yurub iyadoo kooxda Liverpool laga waayay kaalimaha ugu sareeya inkastoo ay heystaan koobka Champions League iyo koobka Club World Cup.

 

Qiimeynta kooxaha Yurub ee loo yaqaano UEFA Coefficient waxaa lagu saleeyay natiijooyinka kooxaha ee shantii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay ee tartamada Champions League iyo Europa League.

 

 

Sidaasi darteed inkastoo Liverpool ay hanatay Champions League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay islamarkaana ay gaartay finalka xilli ciyaareedkii ka horeeyay hadana waxay weli qiimeynta kooxaha ee UEFA kaga jirtaa kaalinta 8aad.

 

 

Waxaa kaalinta 1aad sii xajisatay kooxda reer Spain ee Real Madrid kuwaasoo seddex jeer ku guuleystay Champions League shantii sannadood ee ugu danbeysay, halka ay kaalinta labaad ku jirto Atletico Madrid, iyadoo Barcelona ay dhameystireyso seddexleyda reer Spain.

 

 

Kaalinta afaraad waxaa soo gashay Bayern Munich iyadoo shanaad iyo lixaad ay ku kala jiraan kooxaha Juventus iyo Manchester City. PSG ayaa kaalinta 7aad ku fadhisa halka Manchester United ay kaalinta 9aad ku jirto iyadoo kaalinta 10aad ay buuxisay kooxda Arsenal.

 

 

Qiimeyntaan waxay muhiim u tahay isku aadka wareega group-yada Champion League iyo Europa League.

 

 

QIIMEYNTA 20ka Kooxood Ee Ugu Sareeya Yurub Ee UEFA:
1. Real Madrid

2. Atletico Madrid

3. Barcelona

4. Bayern Munich

5. Juventus

6. Manchester City

7. Paris Saint-Germain

8. Liverpool

9. Manchester United

10. Arsenal

11. Sevilla

12. Borussia Dortmund

13. Tottenham

14. Chelsea

15. AS Roma

16. Napoli

17. Lyon

18. Shakhtar Donetsk

19. FC Porto

20. Benfica

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker