Madaxweynihii Hore Ee Pakistan Zardari Oo Loo Xidhay Musuq-Maasuq

Booliiska dalka Pakistan ayaa  xabsiga la dhigay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Asif Ali Zardari oo dalkaasi kasoo talinayey intii u dhaxeysay 2008 illaa 2013. Mr.Zardari oo ahaa sayga Raysalwasaarihii hore ee la dilay Mrs. Benazir Bhutto ayaa hada weli hogaamiya xisbigeedii PPP, waxayna taageerayaashiisa sheegeen in kiiskan uu yahay mid siyaasadeysan.

Hase yeeshee Zardari ayey horey shacabka dalkaasi u aaminsanayeen inuu hanti badan dhacay iyadoo dalkaasi looga yaqaan (Mr. Ten Percent) oo micnaheedu tahay inuu lacag u dhiganta 10% ka qaadan jiray dhamaan mashaariicda waaweyn ee dalkaasi ka socotay intii isaga iyo xaaskiisa ay xilka hayeen.

Maxkamada dalkaasi ayaa Isniintii shalay diiday in damiin lagu siidaayo Madaxweynaha inta dhageysiga dacwada socoto waxaa isla shalay la dhigay xabsiga, waxaana sidoo kale baaritaan ku socdaa Walaashiis oo iyaduna la sheegay inay qeyb ka ahayd kiiska loo heysto.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker