Awoodaha dastuurka iyo xeerarku siiyeen wasarada caddaalada

QODOBKA 106AAD
XIDHIIDHKA HAY’ADAHA GARSOORKA IYO WASAARADDA CADAALADDA
1.            Wasaaradda Cadaaladdu waxay u xil-saaran tahay fulinta go’aanada maamul ee ka soo baxa Guddida Cadaaladda.
2.            Wada-shaqaynta Wasaaradda Cadaaladda iyo Hay’adaha Garsoorka waxa qeexaya xeer.
QODOBKA 107AAD GUDDIDA CADAALADDA

1.            Gudidda Cadaaladdu waa hay’adda hoggaamisa maamulka Garsoorka, waxayna ka kooban tahay:
·    Guddoomiyaha Maxamadda Sare                                               Guddoomiy
labada garsoore ee ku xiga dhinaca darajada Guddoomiyaha Maxamadda Sare                                   Xubno
Xeer-ilaaliyaha Guud                                                                        Xubin
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda                    Xubin
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha                                     Xubin
Laba xubnood oo Golaha Wakiiladu labadi sannadoodba hal mar ka soo doorto dadweynaha kana kala tirsan aqoon yahanada & ganacsatada; iyo
Laba xubnood oo Golaha Guurtidu labadi sannadoodba ka soo doorto dadweynaha hal mar; kana kala tirsan dhaqan-yaqaanada iyo culimada Diinta.
2.            Waxa fadhiga Guddidu ku ansixi karaa marka ay joogaan toddoba (7) xubnood.
3.            Marka Guddoomiyaha Maxamadda Sare gudan kari waayo guddoominta Guddida, sababo caafimaad, fasax ama shaqo ka tegid darteed, waxa si ku-meel-gaadh ah guddoomiyaha Guddida noqon doona garsooraha ka tirsan Maxakamadda Sare ee Guddida xubinta ka ah, dhinaca darajadana ku xiga Guddoomiyaha. Waxa xoghayn u ah Guddida Cadaaladda Kaaliyaha Sare ee Maxamadda Sare.
QODOBKA 108AAD HAWSHA GUDDIDA CADAALADDA

1.            Guddida Cadaaladdu waxay u xil-saaran tahay: shaqo-siinta, xil-ka-qaadista, dallacaadda, hoos-u-dhigidda, bedelaadda iyo anshax-marinta garsoorayaasha maxkamadaha hoose (maxkamadaha racfaanka, gobollada iyo degmooyinka} iyo Ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud. Shaqaalaha kale ee ka shaqeeya Garsoorka waxay hoos imanayaan xeerarka shaqaalaha Dawladda.
2.            Lama xidhi karo garsoore ama ku-xigeen Xeer-ilaaliye Guud haddii aanay Guddida Cadaaladdu oggolaanin, hase yeeshee looma baahna oggolaanshaha Guddida haddii garsooraha ama Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud la qabto isaga oo faraha kula jira dembi ciqaabtiisa ugu yari ay tahay (3) saddex sannadood oo xadhig ah.
3.            Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa Guddida ka hor oogaya eedda ka xayuubinta dhawrsanaanta, anshax-marinta garsoorayaasha iyo Ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud.

Xeerka kala xadaynta xukuumada Lr 71/2015
Qodobka 46
46(6). Fulinta go’aammada maamul ee Guddida Cadaaladda;
46(16). Qabashada wixii kale ee xeer kale awood u siiyo.
Xeerka nidaamka garsoorka (xeer lr.24/2003)
Qodobka 37’aad.
Xidhiidhka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Hay’adda Garsoorka.
1. Wasaaradda Cadaaladu waxay u xilsaaran tahay fulinta go’aanadda maamul ee ka soo baxa gudiga Cadaalada.
2. Waxay Golaha Wasiiradda hordhigtaa Baahida Garsoorka ee gudiga caddaaladu soo gudbiyay.
3. Fullinta Go’aamada Ka soo baxa shirwaynaha garsoorka inta ka khusaysa.

 

Garyaqaan Cabdikariim Maxamamuud

suldaancabdi4@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker