Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo la ganaaxay

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in dhaqaalaha ololihii doorashadii Mareykanka u adeegsatay si gaar ah.

Guddiga maamula dhaqaalaha ee Minnesota ayaa sheegay in ay jebisay xeerka gobolka, waxayna saareen ganaax lacageed.

Guddiga ayaa sheegay in  Ilhaan ay isticmaashay lacag gaadheysa $3,500 oo dollar oo ay ku bixisay safar ay ku aaday Florida iyo qeyb ay ku bixisay canshuur celintii ay sameysay.

Waxay guddiga sheegayaan in ay heleen cadeyn ah in Ilhaan Cumar kooxdii ololaha u qaabilsanayd ay u iibiyeen tikit diyaarad oo Boston ay ku tagtay, “halkaas oo ay uga qeybgashay kullan siyaasadeed”.

Sidoo kale, qeyb waxaa “lagu bixiyay hoteel ay ka degtay Washington D.C” oo ay uga qeybgashay wareysiga shirka UN ee Girl UP.

Sida uu ku warramay raadiyaha Shacabka ee Minnesota, Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale lagu helay in lacagta ay u adeegsatay safarkeedii Chicago, si ay u aqbasho abaalmarin la siiyay iyo dhaqaale uruurin ay sameysay.

Ilhaan Cumar

 

 

Sida uu qabo sharciga Gobolka, “Safarrada waa in ay noqdaan kuwo la xidhidha arrimaha Xafiiska”. Sida guddiga uu sheegay, Ilhaan Cumar, waxay ahayd wakiilka Gobolka markii “xeerka lagu xudgudbay.”

Sidoo kale, waxaan Ilhaan lagu helay in $1,500 oo dollar, lagu bixiyay arrimo la xiriiray sixidda cashuur celinteeda, taas oo aan la xiriirin ololihii doorashada. Waxayna dalbadeen in la soo celiyo. Waxaana la saaray ganaax gaaraya $500 oo dollar.

Sida uu qoray wargeyska Washington Post, Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in arrintan ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed.

Qoraal ka soo baxay kooxdeedii ololaha waxay ku sheegeen in ay “ku faraxsan tahay in baaritaankan uu dhammaaday” ayna ka go’an tahay in ay u hoggaansanto guddiga waxa uu soo saaray.

Hadallada Ilhaan Cumar ee dhibaatada u soo jiiday

Bilo ka hor markii lagu dhawaaqay in Ilhan Cumar ay ku guuleysatay doorashadii Maraykanka, oo ay xubin ka noqoto aqalka Kongres-ka Maraykanka, waxaa xigay dabbaaldegyo waaweyn, maxaa yeelay waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madow oo Muslim ah oo heerkasi gaarto.

Haatan xaalkeeda sidii hore waa uu ka duwan yahay, oo waxay maalin walba heshaa farriin cagajugleyn. Tan iyo markii la dhaariyay, Ilhaan waxaa ka soo yeeray dhowr hadal, oo Maraykanka ka abuuray duufaan siiyasadeed.

Donald Trump, oo ololahiisu ku dhisan yahay soogalooti-nacaybka, ayaa si weyn uga fa’deystay hadallada Ilhaan Cumar.

10 February 2019: Ilhaan iyo Yahuud nacaybka:

Ilhaan Cumar ayaa aad loo cambaareeyay kaddib markii ay barteeda Twitter-ka ku qortay ereyo loo arkay Yahuud-Nacayb.

Iyadoo ka jawaabeyso su’aal Twitter-ka lagu weydiiyay oo ahayd cidda maalgelisa siyaasiyiinta taageerta Israa’iil, ayay Ilhaan tiri “AIPAC”, oo ah urur u ololeeyo dalka Israa’iil oo ka dhisan Maraykanka.

Hadalkaasi ayaa gudaha Mareykanka ka abuuray dhaleeceyn weyn, taas oo xitaa ay si weyn uga hadleen warbaahinta Israa’iil.

Dagaal afka ah ayaa ka dhex-socda Ilhaan Cumar iyo Donald Trump

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa markiiba hindisay in arrintaasi go’aan laga soo saaro, balse warqado ay soo qoreen taageerayaasha Ilhaan ayaa sababay in xisbigu baddelo mwoqifkiisii, oo waxaa uu cambaareeyay wax kasta oo ku salaysan nacayb.

Trump ayaa arrintaasi u arkay fursad cusub, oo waxaa uu weerar ku qaaday Ilhaan, isagoo ka codsaday inay iska casisho guddiga awoodda badan ee arrimaha dibedda ee Congress-ka Maraykanka.

Maalin kaddib ayay Ilhan sheegtay inay ka cudu-daaratay hadalkii ay tiri.

March 24, 2019: Ilhaan Cumar iyo weerarradii 9/11

Ilhaan Cumar waxay ka qeyb-qaadatay xaflad lacag loogu ururinaayay Muslimiinta Losels, halkaas oo laga dhigay dibedbaxyo looga soo horjeedo. Dibedbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay “hal-ku-dhagyo ay ka mid ahaayeen “Ilhaaney Naarta gal”.

Hasayeeshee, arrinta aad loo hadal hayay ayaa ahayd khudbaddii ay goobtaas ka jeedisay.

Waxay sheegtay in Muslimiinta loola dhaqmo muwaadiniin darajada labaad ah sababtana ay tahay “dad baa horey wax u sameeyay”.

Trump wuxuu soo qaatay muqaalka Ilhaan Cumar oo hadleysa, wuxuuna ku dhex-daray muuqaal kale oo ku saabsan weerarkii 9/11. Wuxuu hadalka Ilhaan Cumar u fasiray inay yareysanayso weerarradaasi, taasi oo sababtay in Ilhaan Cumar loogu hanjabayo dil.

April 9, 2019: Stephen Miller waa “waddani caddan ah”

Ilhaan Cumar ayaa Twitter ku soo qortay hadal ka dhan ah la taliyaha uu aadka u aaminsan yahay Madaweyne Trump ee lagu magacaabo Stephen Miller. Waxay ku eedeysay inuu yahay “waddani caddan ah”.

Stephen Miller ayaa loo arkaa inuu saameyn weyn ku leeyahay Trump

Waxay sheegay in “xaqiiqada ah in uu saameyn ku leeyahay siyaasadda iyo magacaabidda siyaasadeed ay tahay mid laga caroodo”.

Balse dadka caddaanimada ay ku weyntahay ee Trump ayaa isla markiiba arrintan u yeelay weji cusub. Waxay arrintan la xiriiriyeen in Ilhaan ay Stephen bartilmaameedsanayso maadaamma uu asal ahaan ka soo jeedo dadka Yuhuuda.

Hadalka Ilhaan ayaa loo ekeysiiyay inuu qeyb ka ololaheeda ka dhanka ah Yahuudda.

Trump oo la hadlaaya TV-ga Fox ayaa sheegay in Ilhaan Cumar ay ka khatar badan tahay kooxaha ay “caddaanimada ku weyn tahay

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker