Dawlada Federaalka ah ee Somalia oo kala dirtay Masuuliyiintii Rugta Ganacsiga Ee Gobolka Banaadir

Muqdisho (OWN) – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa maanta Soo Saartay Amar lagu kala dirayo maamulka Rugtii Ganacsiga ee Gobolka Banaadir.

Nuqul ka mid ah qoraalkasi oo soo Gaadhay Xafiiska Oodwaynemedia isla markaana uu ku saxiixnaa wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa lagu sheegay in sababaha lagu kala diray maamulkaasi ay ka dhalatay magacaabistii maamulka Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka in dhawaan wasaaraddu ay b Gobolka Banaadir iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo la tashan doonto ganacsata gobolka si ay Usoo magacawdo maamulka Rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

Hay’adda Nabad suggida ayaa dhawaan Xidhay Gudoomiyahii rugta ganacsiga Gobolka Banaadir iyo ku xigeenkiisii ka dib markii lagu eedeeyay in magacaabistooda ay Shabaab ka qeyb qaateen.

Magacaabista xubnahan ayaa waxaa dhowr maalmood un ka hor shaacisay idaacadda VOA oo sheegtay in kadib markii muddo saddex sano ah la isku mari waayey xilka guddoomiyaha ay ugu dmabeyn soo magacaabeen Al-Shabaab.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Ganacsiga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker