Xukuumadda JSL oo Caddaysay in Shirkii Jabuuti Lagu Qabtay Aanu Dhex Dhexaad Ahayn

ukuumadda Somaliland, ayaa caddaysay in aanu dhexdhexaad ahayn shirkii lagu qabtay dalka Jabuuti ee uu soo qaban qaabiyay machadka Heritage Institute ee Soomaaliya ee xaruntiisu tahay Muqdisho, isla markaana aan lagu soo casuumin xukuumadda Somaliland.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, oo arrintaasi ka hadlay, waxa kale oo uu sheegay in shirkaasi marka la eego dadka lagu soo casuumay ay u badnaayeen dad dhinac ah oo aan xataa si isu dheelli tiran aan aqoonyahanka loogu soo casuumin.

 

Waxaanu intaa ku daray in aqoonyahankii Somaliland ka socday ee shirkaa ka qayn galay in ay ahaayeen dad qaranka qiimo badan ku leh oo ka mid ah dadka ugu lexejeclada badan Somaliland, waxaanu u soo jeediyay aqoonyahanka Somaliland in ay iska hubiyaan dhex dhexaadnimada shirarka noocaas ah ee ay ka qayb gelayaan.

 

Wasiir ku xigeenka oo u warramay Telefiishanka Eryal, ayaa yidhi. “Shirkii lagu qabtay dalka Jabuuti dawladda Somaliland laguma soo casuumin, Shirkaasina waxa uu noogu muuqday mid aan dhexdhexaad ahayn markaad eegto sida loo soo qaban-qaabiyay, cidda soo qaban-qaabiysay iyo dadka la soo xulay inaanay isku dheelli tirnayn, markaad eegto waxa uu u ekaa mid aan dhex-dhexaad ahayn.”

 

Wasiir ku xigeenku waxa uu intaas raaciyay “Cid dawladda ka socotay oo afka dawladda ku hadlaysay may tagin, laakiin dadka reer Somaliland ee aqoonyahanka ahi waa mid xor ah oo tegi kara meel kasta oo ay aaminsan yihiin inay Somaliland kelmadooda uga odhan karaan dadkii halkaas tegayna waxay ahaayeen dad Somaliland qiimo wayn ku leh badidoodu, Somalilandna cidina aanay uga lexejeclo badnayn ayay ahaayeen, laakiin meelaha noocaasoo kale ah een dhex-dhexaad-nimadu ka muuqanin oo dano gaar ah u adeegaya waxaanu kula talin lahayn dadka reer Somaliland in ay ka feejignadaan in ay ka qayb galaan meelaha calaamadu su’aalku saaran yahay.”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibadda Somaliland

Liibaan Yuusuf Cismaan,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker