Nin Caddaan ah oo qoys Soomaali ah biyo ku weeraray

Nin ka soo jeeda magaalada Faribault ee gobolka Minnesota ee wadanka Mareykanka oo lagu tilmaamay inuu cunsuri yahay ayaa lagu eedeeyay inuu biyo rusheeyay gabadh 15-jir ah iyo walaalaheed oo Soomaali ah.

Ninkan ayaa tubo biyo ah oo xowli ku socotay ka galiyay daaqadda guriga qoyskaas, isagoo ka qooyay kuraastii fadhiga.

Zachariah Joseph Manahan oo 18 jir ayaa geysatay falkaasi, waxaana intaa u sii dheereyd inuu caayay caruurtaasi, isagoo ku caayay Soomaalinimadooda.

Hay’adda nabad sugidda ayaa Zachariah ku soo oogtay dambi cunsurinimo iyo nacayb ah, isagoo sidoo kalena wajahaya dacwad ku saabsan inuu geystay dhaawac iyo burbur hantiyeed.

War saxaafadeed ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda islaamka ee CAIR, ayaa lagu soo dhaweeyay tallaabada ay qaadday hay’adda nabad sugidda ka dib markii uu falkaas isir nacaybka ah dhacay.

Jeylani Maxamed Xussein oo ah madaxa fulinta ee hay’adda CAIR ayaa BBC-da yiri “Waxaan aad u soo dhaweyneynaa arinka ay soo bandhigtay maxkamadda oo ah in ninkani la xukumo, laguna xukumay inuu handadaad ku sameeyay caruurtaasi Soomaalida ah, taas oo loo arkayo wax aan sahlaneyn oo dhaawac aad u weyn gaarsiiyay bulshada “.

Sanadihii ugu dambeeyay, waxaa wadamada reer Galbeedka ku sii xoogeysanayay Islaam nacaybka.

Jeylani ayaa ugu baaqay dadweynaha deggan Mareykanka inaysan dhayalsannindhacdooyinka noocani ah oo ay mar waliba u gudbiyaan hay’addaha nabad sugidda, kuwaas oo tallaabo ka qaadaya dhibaatada uu islaam nacaybka ku haayo dadka Muslmiinta ah ee Mareykanka deggan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker