Madaxweyne Muuse Biixi Oo Salaadda Ciidul-fidriga kala qayb-galay Shacabka Caasimadda Hargeysa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidul-fidriga oo ku beegan maanta oo ay bisha Shuwaal curatay, sannadka 1440-ka taariikhda Hijriyada.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, maamulka gobolka, ayaa kumannaan kamid ah shacabka caasimadda ku dhaqan kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa, waxana uu madaxweynuhu bulshada u jeediyey khudbad ballaadhan oo uu kaga hadlay xaalado kala duwan oo bulshada ku gedaaman.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu khudbaddiisa si gaar ah diiradda ugu saaray dhibaatooyinka bulshada dhexdeeda yaalla ee ay kamidka yihiin dagaallo-beeleeddada soo noqnoqda, shilalka gaadiidka iyo cunista qaadka oo mushkilad weyn ku ah horumarka nololeed ee bulshada iyo ta qarankaba, waxana uu uga digay inay ka waantoobaan dhibaatooyinkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu bulshada xasuusiyey qiimaha ay nabaddu leedahay, isaga oo usoo jeediyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii loosoo qaban lahaa, meelna looga soo wada jeesan lahaa cid kasta oo dil ula kac ah u geysata  qof kale oo muslim ah, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaynu isku dardaaraynaa oo naftu u baahan tahay waa nabad, nabadduna sidii Ilaahay yidhi waxa kow ka ah in qofka naf islaam ah ku dila gardarro iyo badheedh in dambiilaha lasoo qabto oo la isugu tago oo wixii Ilaahay xukunkiisa u qoondeeyey la mariyo, waxaynnu isku dardaaraynaa dhammaanteen in qofkii qof ku dila camdi iyo kibir inaynnu gacan kusoo wada qabanno oo wixii kitaabkaa Ilaahay inoo soo dejiyey uu ku xukumay aynnu marinno.”

Dhinaca, kale waxa uu madaxweynuhu bulshada ku adkeeyey inay xooggooda maalaan oo aanay cidna gacmaha hoos hoorsan, islamarkaana ay ku kalsoonaadaan cilmigooda, cududdooda iyo caqligooda, una diyaar garoobaan inay noloshooda gacmahooda ku daboolaan oo aanay cid kale ku tiirsanaanin.

Salaadda Ciidul-fidriga kaddib, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xarunta qasriga madaxtooyada ku qaabilay qaybo kamid ah shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo isugu jira dhallinyaro, waayeel, haween iyo carruur, kuwaas oo uu munaasibadda ciidul-fidriga awgeed waqti la qaatay.

Wa-bilaahi Tawfiiq

           
 
Image may contain: 21 people, people smiling, crowd and indoorImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: 4 people, people smiling, people standing, people on stage, wedding and indoorImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting and weddingImage may contain: 2 people, people smiling, wedding and indoorImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 8 people, people smilingImage may contain: 5 people, people smiling, people sittingImage may contain: 3 people, people smiling, people standing and weddingImage may contain: 12 people, people smiling, people standingImage may contain: 2 people, beardImage may contain: 11 people, crowd and weddingImage may contain: one or more people

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker