Madaxtooyada Somalia OO si ka Miisaan wayn Ta Somaliland u Xustay 26-ka June + Daawo Sawirada

Hadaba in kastoo uu Farmaajo yahay Nin Dadaal badan ku bixinaya Hawl aan shaqadiisa again  , oo ay jirto Arrimo badan oo uga muhiimsan inuu si ku Xumayn ah u xuso, ama dhaqaale iyo qaban qaabo aad u wayn ku bixiyo hawl aan isaga iyo Maamulkiisa toona khusayn,

 

 

Hadana Waxay odhan karnaa waxaa uu arkay Xukuumaddii somaliland ee iyadu hawshan lahayd oo ka seexatay isla markaana noqotay Dawladdii ugu Taagta Darnayd ee soo marta Somaliland , Taasina waxaa shacbi Reer Somaliland u dhaxalsiisay inuu Farmaajo maanta yidhaadho waxaan Xusayaa 26kii june ee Gobolada waqooyi ee Somalia , ay Heleen Xornimada , ay ka Qaaateen Boqortooyadii ingiriiska ,

Hadaba halka ka Akhri Khudbadihhi laga jeedayay Munaasibadda Xinka ah .

.Ilana Daawo Sawirada Xinka Loo galaxy ee faraha badan

 

 

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabkeenna maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

“Halgankii guumaysi diidka iyo Soomaalinnimadu waxa uu ahaa mid ka soo bilawday Gobollada Waqooyi. Waa kuwii awooddooda iyo hal-abuurkooda u isticmaalay baahinta iyo faafinta dareenka waddaniyadeed ee Soomaali oo qura, Soomaali oo qab leh, Soomaali ku wada nool hal dawlad iyo hal calan.”

 

“Haddii marka dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen dareenka gobonnimo doonka iyo waddaniyadda, waxaan hadda ugu baaqayaa inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya si aan caqligeenna, cududdeenna iyo hadafkeenna u midayno, ugana shaqayno mustaqbalka ubadkeenna iyo maslaxadda dalkeenna iyo dadkeenna.”

Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa hadallo ku aaddan halgankii xorriyadda iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed ee waqtigaas ka jeediyey masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay dalka iyo waxgarad Soomaaliyeed oo goobjoog u ahaa taariikhdaas. Sidoo kale, Hobballada Qaranka ayaa madasha ku soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado isugu jira xasuusin, dhiirrigelin iyo dardaaran oo ay ku maamuusayaan maalintan qiimaha badan ee 26-ka Juun.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambaydunu ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, Diblumaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker