Madaxweyne Putin O Ku Baaqay in Gaas Lagu iibsado Lacagta Rubles ee Ruushka

Ruushka ayaa u sheegay in wadamada shisheeye “aan saaxiibka la ahayn” ay bilaabaan inay gaaska ku iibsadaan lacagta Rubles ee Ruushka, haddii ay taai dhici weysana waxa uu yidhi: ”waaan joojineynaa inaan ka iibino.”

Vladimir Putin waxa uu saxiixay wareegto sheegaysa in iibsadayaashu gaaska “ay waajib ku tahay inay akoonnada lacagta ruble ka furtaan bangiyada Ruushka” laga bilaabo Jimcaha maanta ah.

“Qofna wax bilaash ah nagama iibinayo, annaguna ma samayn doonno samafal – taas oo ah micneheedu yahay, qandaraasyada jira waa la joojin doonaa,” ayuu yidhi madaxweynaha Ruushka.

Dalabka Mr Putin ayaa loo arkaa mid uu ku doonayo in uu kor ugu qaado lacagtiisa ruble-ka oo ay cunaqabatayn ku soo rogeen reer galbeedka.

Wareegtadiisa ayaa ka dhigan in dadka ajnabiga ah ee iibsanaya gaaska Ruushka ay tahay inay akoon ka furtaan bangiga Gazprom ee Ruushka ayna ku wareejiyaan lacagta euro ama doollarka Mareykanka.

Bangiga Gazprom ayaa markaa ka dib lacagtaasi u beddeli doona ruble taas oo markaa loo isticmaali doono bixinta gaaska.

Dowladaha reer galbeedka ayaa ganafka ku dhuftay amar kama dambeys ah oo uu madaxweyne Putin u qabtay bixinta gaaska dabiiciga ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker