Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daneil Arab MOI oo geeriyooday
Niarobi (OWN) – Madaxweynihii hore dalka Kenya, Daniel Arab Moi ayaa xalay Saqdii dhexe ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairo Xarunta dalkaasi.
Moi oo 94 sano jir Ahaan ayaa Bilihii la soo dhaafay Xanuunsanaa, waxaana Xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay gudaha iyo dibadda Kenya intaba.
Geeridiisa waxaa saaka warbaahinta u Xaqijiiyey Madaxweynaha hadda Talada haya ee Uhuru Kenytta.
Madaxweynihii hore Kenya, Daniel Arab Moi ayaa muddo dheer soo Xukumayey wadaankaasi, waxaana xil ka Loo dhaariyey 1978-dii, Waxaanuu Xilka ka Tegay Sannadkii 2002 .
Sidoo kale Moi oo ahaa madaxweynihii labaad ee dalka Kenya ayaa dhashay bishii September ee Sanadkii 1924-tii, wuxuuna ka soo jeedaa Qowmiyadda Kalenjinta.
Daniel Arab Moi wuxuu sidoo kale mar soo Noqday madaxweyne ku xigeenka dalkaasi, isagoona xil kaasi qabtay sanadkii 1967-dii.
Geeridiisa ayaa si weyn looga dareemay Kenya, waxaana la filayaa in Kenyaati badan iyo Mas’uuliyiin sar sare ay ka qeyb galaan Baroordiiqda iyo Aaska loo sameynayo.