Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xarriga wasiirka amniga Jubbaland

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashayย xarriga wasiirka amniga Jubbaland Cabdrashiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqaannoย Cabdrashiid Jannan oo shaley lagu xiray Magaalada Muqdisho.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseem Axmed ayaa qoraal ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Twitter-ka sheegtay in ciidamada ammaanka ay shaley Cabdirashiid Jannan ka soo xireen isagoo ka duulaya garoonka diyaaradaha Magaalada muqdisho.

Waxa ay sheegtay in wasiirka amniga Jubbaland uu galay dambiyo culus,isla markaana ciidanka booliska Soomaaliya ay baaritaano ku hayaan.

โ€œCiidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane CabdiRashiid Xassan Nuur “Janan”ย kaasoo ku eedaysan dambiyo culus, kiiskaas oo hada ay baarayaan ciidanka boliiska ayay tiri taliye Zakiyaโ€.

Maamaulka Jubbaland ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in ay sii deyso wasiirkeeda amniga oo shalay ay ku xirtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaaย loo heystaa eedo la xiriirtaย xadgudub dhanka baniโ€™aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.

Dowladda Soomaaliya ma sheegin in Cabdirashiid Jannan maxkamad la soo teegi doono iyo in kale.

Zakiya Xuseem Axmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker