Doorashooyinka Baarlamaanka Midowga Yurub oo Maalntii Saddexaad Gashay
Maalintii saddexaad ayay maanta gashay doorashada baaralamaanka Midowga Yurub, xilli ay kooxaha qowmiyiinta ah ee ka soo horjeeda muhaajiriinta ay rajo ka qabaan in ay guulo waaweyn kasoo hooyaan doorashadan, si ay u maamulaan xarunta Midowga Yurub ee Brusseles shanta sano ee soo socota.
Goobaha cod bixinta ayaa mana (Sabti) loo furay shacabka dalalka Malta, Slovakia iyo Latvia, iyadoo dalalka ugu tunka weyn Yurub sida Jarmalka, Faransiiska iyo Talyaaniga ay doorashada xoogeeda ka dhici doonto Axadda berrito ah.
Ra’yi ururin dadweyne oo la sameeyay bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay ayaa muujinayay, in xisbiyada neceb ajnbiga ay ku guuleysan doonaan doorashada, hase yeeshee natiijooyinka hordhaca ah ee kasoo baxaya doorashadi Holland ka dhacday Khamiistii, ayaa muujinanaya in xisbiga hantiwadaaga ah ee taageersan Midowga Yurub uu ku guuleystay doorashada, taasoo rajo wanaagsan gelineysa xisbiyada kale ee bidixida dalalka Yurub.
In ka badan 400 oo milyan oo qof ayaa isu diiwaangeliyay in ay ka qeybgalaan doorashada Yurub oo ah, tan labaad ee ugu weyn doorasho dimoqraadi oo ka dhacda dunida marka laga yimaado doorashada Hindia.
Kuraasta baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ah 751 kursi oo loo kala qeybiyay dhamaan 18-ka wadan ee xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub.