Wasiirka Daakhiligu Maxamed Kaahin imisa Degmo ayuu Maamulkooda Ka Wasaarad ahaan Ka Madaxbanaan?

Faallo:- Amar Goor Dambe soo Dhacey

Inkastoo, Shuruucda iyo Nidaamka Kala Dambaynta Habka Maamulka Dawladdnimo uu Waajibaad gaar ah, Siinayo In Wasaaradd Kastaaba ay u Madaxbanaan Tahey Ka Maamul ahaan Hay,adaha Sida tooska ah u hoos tagga Tusaale ahaan Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland, oo Kamid ah tiirarka ugu Waaweyn Kala dambaynta iyo Nidaamka Amniga Gudaha Dalka iyo Maamulka Tooska ah ee Degmooyinka iyo Gobolada, oo hoos yimaadaan, dhamaan Fulinta Maamulka Dawladdaha Hoose ee Degmooyinka Dalka oo dhan, ama Dakhli hakasoo Baxo, ama Cadcadeys ha ahaato,e.

Hadalhaynta iyo Su,aalo door aha ayaa ka dhashey Kadib Markii Maanta Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, Sheegay in Qabadaraasyada Dawladdaha Hoose ee Dalku, Wixii ay Qabanayaan Soo Marin Doonaan, Haya,dda Qanadraasyada Qaranka, taas oo laba Arimood, loo sobirsaarey Kuwaas oo kala ah in Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Wasaaradda Hawlaha Guud isku qabsadeen Mashaariicda Dhismayaasha, iyo Hawsha Dayactirka Caasimada sidaa darteedna Ficilku halkan la galey iyo?

Arrintan, oo ah Amar Goor Dambe soo dhacey islamarkaana, su,aalaha ka dhashey ay Dad badani Wax iska Weydiiyeen Miyaaney hore u jirin in Dhismayaasha, iyo Mashaariicaha Dawladdaha Hoose ay hoos yimaadaan Marka hore Wasaaradda Arimaha Gudaha, oo la socota Waxqabadkooda(Ogaysiin iyo Wargalin) Kadibna Soo Marin Qandaraasyada Qaranka, taas oo ay Sabasocoto Su,aasha Kale ee Kuwajahan Wasiir Maxamed Kaahin Ma uwada Madaxbanaan yahey, Maamulka iyo Xog-ogaalka Degmooyinka Dalka Qaarkood?.

Sida ay u badan tahey hadalhaynta Dad badani Kaga Jawaab Celiyeen In ay Wax ka jirraan in Nidaam ahaan Xidhiidhka iyo Xisaab Celin Waajib ah Mooyee, ay jiraan Degmooyin aannu Wasiirku Ku laheyn Wax faragalin ah Maamulkooda, oo ka Madaxbanaan Gacantiisa walow Kuwa la Sheegayaa ay Macruuf yihiin, Sitoos ah Madaxweynaha haddana Waxa aan Macno badan Sameyneynin Xiligan, in Shantii Sanadood ee lasoo dhaafey Qandaraasyada Dawladdaha Hoose ahaayeen Kuwa Ka Madaxbanaan Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Gudida Qandaraasyada Qaranka, sababta Maanta Amar la baahiyay u yimidna tahey Sirbay Caad Ku Leedahay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker