Diyaaradaha Isra’iil Oo Duqayn Ku Dilay 9 Qof iyo Ilmo Yar + Ururka Xamaas Oo 600 Gantaal Ku Riday Israel

Qaza(OWN)- 9 qof oo reer Falastiin ah oo uu ku jiro ilmo yar oo 14 bilood jiray ayaa ku dhintay duqayn diyaaradaha Isra’iil ay ka gaysteen Marinka Gaza ee dhulka La haysto ee Falastiin.

Duqaymo aan kala sooc lahayn oo Isra’iliyiintu ku qaadeen marinka Gaza ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 70 qof oo falastiiniyiin ah xerada qaxootiga Al-shati.

Ilaa 260 goobood oo ah gudaha Gaza ayaa Isra’iliyiintu ku weerareen duqaymo cirka iyo madaafiic laga tuuray dhinaca dhulka ee xuduuda Gaza iyo Dhulka yuhuudu haysato. waxayna ku goodiyeen inay si wadayaan duqaymaha ay ku bartilmaameedsanayaan Xarumaha Xamas ka soo rido gantaalaha.

Dhinaca kale, Ururka Xamaas ee Maamula Gaza iyo ururka kale Jihaad ayaa 600 gantaal ku tuuray dhinaca Isra’iil. Gantaaladaas intooda badan waxaa qabtay gantaalada difaaca ee Isreal hase yeeshee qaarkood ayaa ku dhacay guryo, kuwasoo dilay saddex qof oo Yuhuud ah, waxaana ku dhaawacmay saddex kale.

SIDEE DAGAALKU KU BILOWDAY?

Maalintii jimcihii ee toddobaadkii hore ayaa shacab si nabdoon uga mudaharaadayay Xayiraada Isra’iil ku hayso dhulka Gaza, waxaa gacan xoog leh kaga hortegay ciidamada Isreal, kadibna Nin falastiin ah oo hubaysan ayaa toogasho ku dilay Askari Isreal ah, labo kale dhaawacay. Duqaymo aargoosi ay diyaaradaha Isreal ku qaadeen Gaza iyagoo dilay labo qof oo Falastiniyiin ah

Maanta oo Axada ah, Ciidamada isra’iil waxay sheegeen inay duqayn ku dileen Taliye milateri oo ururka Xamaas ah oo lagu magacaabo Xamed Xamdaan Al khudaari.

Duqaymaha Isra’iil ka wado Gaza waxaa sidoo kale lagu burburiyay dhismayaal badan oo uu ku jiro dhismaha ay deganayd wakaalada wararka ee Turkiga ee Andola, taasi oo turkigu uu cambaareeyay, kuna tilmaamay dambi dagaal oo bani’aadanimada ka soo horjeeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker