Xoghayaha Difaaca Wadanka UK oo Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Farmaajo.

 

 

Muqdisho-(OWN)-Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya iyo taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Xoghayaha Difaaca dalka Uk oo shalay soo gaadhay Muqdisho.

Kulamadan ayaa waxa ay dhamaantood la xidhiidheen arrimaha Militariga iyo sidii dowladda UK qayb uga qaadan laheyd kordhinta taageerada Militari ee ay siiso Somaliya.

Kulan gaar ah oo Madaxtooyada Somaliya ay ku wada qaateen Xoghayaha Difaaca dalka Britain Gavin Williamson Madaxweyne Farmaajo wuxuu uga mahadceliyay taageerada dowladda UK ay siiso Soomaaliya.

Intaasi kadib ayaa Xoghayaha Difaaca dalka Britain Gavin Williamson wuxuu kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga

Ugu dambeyn Xoghayaha difaaca dalka UK ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxda Ciidamada Midowga Afrika Amisom ee jooga xarunta Xalane, wuxuuna ka dhageystay warbixin la xidhiidhta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker