Gabay: Ma Macaana Malabkayagu! W/T: Maxamuud Ismaaciil Barreh

Waa tix ka dhalatay dareen joogta ah oo ku saabsan nimacada dhulka Soomaalida taal iyo sida aynu uga mashquulsanahay oo isugu mashquulsanahay. Nimcada fadhida ee ayna adduunka meel kale oollin waxaa markhaati ka ah taariikhda iyo indhaha inagu soo jeeda. Waxaan u bixiyeyey tixdan:

Ma Macaana Malabkayagu!
Fadlan sharaxaadda erayada qaar, xagga hoose ka eega.

Marbaynu dunida murriyaddeed ahayn, lana majeertaaye

Marbay Maydh iyo Mundus, arlada ugu mudnaayeene

Waa marsooyinkay Baydan, midig iyo bidix uga mushaaxeene

Oo Malabaar, Malay iyo Maraykan ka mid ahaayeene

Masaaridii hore waa meeshay, maanka ku hayeene

Oo Maatkare iyo kuwa la mid ah, maydiga mahadiyeene

Maroora dillaac baan la ahay, maxsuulka, maanta noo hadhaye

Oo maba maalno Maandeeq, maalin iyo layle

Macno beelku maynagaa tolow, murugtay xaajaduye?

Ma miyirkaan kii ahayn middani waa yaabe?

Meehanaabnay meelo badan, wax ina hayana mooyee

Midday dunidu nala maagantahay, maba malaysaane

Mase ma moogana mid innaga ahoo, ina maleegaaya?

Marti mudda dhaaftaan nahoo, may laleeyahaye

Misana malabkii dunida haysatoo, ma macaana leedahaye

Mahad Allaa leh, muslimka nagu mutaystee

Mid kale mar horuu muquuran lahaa, sidii Maayadii hore

Mustaxiil ma aha mas’aladda, ina miyir tiraaysaaye

Maskaxdoo la maaliyo dadaal, waa mashruuc furane

Aan maareeyee muddo yarbay, Insha Allah midhaysi joogtaaye

 

Sharaxaad

Murriyad: Jawharad جوهرة,
ama kuul qaali ah oo dumarka Soomaaliyeed xidhan jireen.
Mundus: Magacii hore ee magaalada Xiis. Dekad caanana ahayd waqtiyadii hore.
Baydan ( Beden): Waa magaca doonyihii ugu horeeyey adduunka ee baayaca mushtari, oo Soomaalidii hore lahayd. Waa markii dhulka la odhan jiray ‘ Land of Punt’. Waana magac dumarka Soomaalida loo bixiyo.
Marso: Dekad
Malabar ( Malabar Coast): Koonfurta India ee Taamiil iyo Malabaar dadka loo yaqaan deganyihiin oo baayaca mushatari la lahayd Soomaalida waqti hore. Guud ahaan Hindidu Soomaalida ayay xawaashka ‘ spices’ lacag jaban ugu keeni jirtey, ka dibna Soomaalida ayaa lacag qaali ah kaga sii iibin jirtey adduunka kale weliba Europe. Waxaa addunku moodi jirey inay Soomaalida u baxaan weliba qirfaha (cinnamon). Waxaa iyana caan ahaa magaalooyin kale sida Mosylon ama Mossulon (Boosaaso) iyo Opone (Xaafuun).
Malay: Dadka asalka ah ee reer Malaysia.
Waxaa iyana caan ahayd Java (Jaawa) oo ah Indonesia. Waxay baayaca mushatarigii loo yaqaan Marinkii Xariirta ( Silk Road طريق الحرير) markuu jiray, la lahaayeen Soomaalida. Waa meesha loogu magac daray bukhuurka caanka ah ee Jaawiga la yidhaahdo.
Maraykanu kan maanta ma ahayn ee u jeedadu waa qaaradaha America oo umada kale oo aad u horeeyaan deganaayeen sida xadaaradihii Maya iyo Aztec oo dabar go’ay. Doonyihii Baydan ee Soomaalidu lahayd ilaa meelahaas waa ka gooshoori jireen
Maatkare: Waa magaca boqortooyo ee dumarkii Masaaridii hore. Madaama ay Xatshabsuut ( Hatshepsut حتشبسوت) ahayd boqoradda qudha ee xukun qabatay 32 reer (dynasty سلالة حاكمة) ee xukunkii Masaaridii hore soo qabtay ayaa iyada loo aqoon jiray magacaas . Waa malikadda oo kale ama boqorad. Xatshabsuut waxay safar baayaca mushatari ugu timi ‘ Land of Punt’ ama dhulkii udugga oo ah dhulka Soomaalida 4000 sano ka hor wax ka badan. Waxaa la yidhaahdaa hooyadeed oo Xadhur ‘ Hathor’ la odhan jiray waxay asal ahaan ka soo jeeddaa ‘ Land of Punt’.
Maandeeq: Dhulka Soomaalida
Maayadii (Maya Civilization): Waa xadaarad qadiimi ah oo aad u horu marsanayd oo ku taallay waddanka Mexico iyo Amerikada Dhexe (Central America). Waxaa gaadhi jirey ayaa la yidhaahdaa doonyihii Baydan ee Soomaalida. Soomaalidu waa dadkii ugu horeeyey iyaga iyo Masaaridii hore oo ogaada in qaarado kale jiraan. Christopher Columbus waa shalay xaalkiisu.

 

 

© Maxamuud Ismaaciil Barreh
Birmingham, UK. 19/07/2020

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker