Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Dekedaha Soomaaliya oo gaadhay Hobyo

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya Marwo; Maryan Aweys Jaamac iyo wafdi ballaadhan oo ay hoggaamineyso ayaa Maanta gaadhay Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Wafdigan oo ay ka mid yihiin Saraakiil ka socota Wasaaradda Dekedaha ee Dalka Qadar ayaa waxaa Magaalada kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamul Goboleedka Galmudug Soomaaliya iyo Bulshada halkaasi ku dhaqan.

Madaxwaynaha Galmudug, Wasiir ku xigeenka Dekadaha Cismaan Cabdi Daallo , xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ka mid ah wafdiga gaaray Hobyo.

Wafdigan ayaa hadda ku guda jira kormeer ay  sahmin iyo qimayn ugu samaynayaan Dekedda qaddiimiga ah ee Magaalada Hobyo.

Wafdigan ka socda Dowladda Qadar ee Shalay soo gaadhay Magaalada Muqdisho ayuu ujeedkiisu yahay sidii ay qiimayn ugu sameeyn lahaayeen qaar ka mid ah Dekedaha Dalka, taasoo qayb ka ah heshiis dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar, ka dib booqashadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed C/llaahi farmaajo uu ku tegey dhawaan Magaalada Doxa ee Caasiamadda Qadar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker