Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa Gaadhay Magaalada Nairobi.

Nairobi-(OWN)-Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka ayaa goor dhoweyd Gaadhay magaalada caasimada ah ee Nairobi ee dalka Kenya.

Mr Obama ayaa loo galbiyay qasriga madaxtooyada isaga oo kulamo kula qaadanaya madaxeynaha kenya Uhuru Kenyatta.

Safar ka uu madaxweynihii hore ee Mareykanka ku yimid Kenya ayaa ujeedadiisu waxaa ay tahay sidii uu u daah furi lahaa xarun lagu barto xirfadaha kala duwan ee ciyaaaraha,oo loogu tala galay da,yarta kenya oo laga hirgalinayo ismaamulka Siaya ee Gobolka Nyanza oo aabihii ka soo jeedo.

Marka uu si rasmi ah u furo xaruntan Isboorti maalinta bari oo isniin ah ayaa waxaa uu u duuli doonaa wadanka koonfur Afrika Halkaasi oo Lagu Qaban doono Sanad Guuradii 100-aad ee dhalashada madaxweynihii geeriyoodaay ee koonfur Afrika Nelson Mandela.

Image may contain: 2 people, people standingImage may contain: 2 people, people standing

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker