Naadiga Bayern Munich oo Hanatay Horyaalka Jarmalka

Kooxda Bayern Munich ayaa markeedii todobaad oo xiriir ah maanta hanatay horyaalka dalka Jarmalka ee Bundesliga, ka gadaal marki ay ciyaarteedi ugu danbeysay ee xilli ciyaareedkan 5-1 ku garaacday Eintracht Frankfurt.

Bayern waxay labo dhibcood uga qaaday horyaalka kusoo kusoo xigta ee Borussia Dortmund oo iyaduna 2-0 maanta uga badisay kooxda Borussia Moenchengladbach .

Kooxda Bayern Munich oo ka dhisan gobolka Bavaria, ayaa sidoo kale 24-ka bishaan qaadi karta koobka German Cup oo ay ciyaarta kama danbeysta ah la dheeli doonto RB Leipzig.

Guusheedii maanta, Bayern waxay noqotay kooxdi ugu horreysay oo 7 xilli ciyaareed oo xiriir ah ku guuleysta horyaalka Jarmalka, waxay guud ahaan qaaday koobkan 29 jeer.

Taageerayaasha Bayern ayaa ciyaarti maanta ku sagootiyay labo laacib oo kooxda waayo badan lasoo qaatay, kuwaasoo kala ah Franck Ribery iyo Arjen Robben. Laacibiinta labada garab ee weerarka ka ciyaarta ayaa labaduba ciyaarti galabta kala dhaliyay min hal gool. Goolashaasi ayaa ahaa kuwi ugu danbeeyay ee ay Bayern u dhaliyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker