Maamulka Madaxweyne Biden oo cafinaya deynta lagu leeyahay ardeyda

Maamulka Madaxweyne Biden, ayaa baabi’iyay $39 bilyan oo u dhiganta (£29.7bn) oo deyn arday lagu lahaa ah, oo laga doonayey iney bixiyaan ardey gaareysa 804,000 in ka badan 20 sano.

Deyn cafiska ayaa ka dhashay “hagaajin” ay dowladdu sheegtay inay ku samaynayso qorshayaasha horyaalla.

Dadka deynta lagu leeyahay ee u qalma barnaamijkan, ayaa waxaa la ogeysiin doonaa haddii deyntooda la cafinayo toddobaadyada soo socda, sida ay sheegtay waaxda waxbarashada.

Waxay ku soo beegantay toddobaadyo ka dib markii Maxkamadda Sare ee Mareykanka ay diiday madaxweyne Joe Biden dalab deyn cafis ah oo ardeyda ah, oo dhan $400bn.

Talaabada la qaaday Jimcihii, ayaa hagaajin doonta khaladaadka maamulka, taasoo ka dhigan in lacagaha dadka amaahda qaatay qaarkood aan lagu xisaabin inay u qalmaan deynta cafinta amaahda, waaxda waxbarashada ayaa sidaasi tiri.

“Muddo aad u dheer, dadka deynta qaatay waxaa soo wajahay nidaam aan wanaag sanayn, kaasoo ku guuldareystay inuu si sax ah u ilaaliyo horumarka ay ka gaareen cafiska,” ayuu xoghayaha waxbarashada Mareykanka Miguel Cardona ku yiri hadal uu soo saaray.

Amaahiyeyaasha ayaa xaq u leh cafiska 20 ama 25 sano ka dib lacag bixinta, taasoo ku xiran qorshahooda, ayay yiraahdeen saraakiishu.

Qaar ka mid ah mucaaradka siyaasadeed ee Madaxweyne Biden, ayaa si degdeg ah u cambaareeyay ku dhawaaqista.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker