Ruushka Oo ka Digey Inuu Sii Xumaado Xidhiidhka Ka Dhaxeya Mareykanka.

Dawladda Ruushka ayaa sheegtay in cuna-qabateyntii Mareykanku uu ku saaray Ruushka eedeynta la xidhiidha sumeynta basaas hore oo Ruushka u shaqeyn jirey iyo gabadhiisa ay dib u dhac ku keeneyso horumaradii laga sameeyay wadahadalladii dhex maray madaxda labada dal.

Dmitry Peskov, afhayeenka Aqalka Kremiling ee Ruushka looga arrimiyo oo warbaahinta la hadlayey, ayaa sheegay in go’aanka noocan oo kale ah oo ay Mareykan-ku qaadaan uu yahay mid saaxiibtininmada labada dal xumeynaya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa cuna-qabeyntan cusub ku dhawaaqdey Arbacadi, iyada oo ku micneysay in ay jawaab u tahay weerarkii sumeynta ahaa ee lagula kacay Sergey Skripal oo 66 jir ah iyo gabadhiisa Yulia oo 33 jir ah, kuwaas oo lagu sumeeyay dalka Britain bishii March ee sanadkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker