Hogaamiye 25 Sano la Baadi-goobayay Oo Maanta Lagu Qabtay Magalada Paris (Sawirro)

Felicien Kabuga, oo ah nin lagu tuhunsanyahay Xasuuqii dalka Rwanda islamarkaana ku eedeysan in malayshiyaad uu maalgeliyey ay xasuuqeen dad gaadhaya 800,000 oo qof ayaa maanta lagu xidhay dalka France.

 

 

Ninkan ayaa Sabtidi maanta laga soo qabtay meel u dhaw magaalada Paris kadib 25 sano oo uu baxsad ahaa, sidaasna waxaa Xaqiijiyey wasaaradda caddaaladda ee France.

 

Kabuga oo ah 84 jir ahaa ninka loogu doonista badan yahay ee Rwanda, islamarkaana lagu doonayay madaxiisa lacag dhan $5 milyan oo doollar, ayaa ku noolaa guri ku yaalla xaafadda Asnieres-Sur-Seine, isaga oo isticmaalayay aqqoonsi been abuur ah, sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda.

 

Wasaaradda Caddaaladda ayaa sidoo kale sheegtay in Kabuga ay soo qabteen ciidamada Gendarmariiga  ee Dalka Faransiiska Aroortii hore ee maanta.

 

Kabuga oo ahaa Ganacsade Ka soo Jeeda Qowmiyadda Hutu-ga ayaa lagu eedeeyey in malayshiyaad uu maalgeliyay ay xasuuqeen ilaa 800,000 oo qof oo isugu jira qomiyadda Tutsi-ga iyo waliba dad Huutuu ah oo iyagu ahaa dhexdhexaad , xasuuqaasi oo dhacay muddo 100 maalmood ah sanadkii 1994-kii.

 

 

Xadhigan ayaa waddada u xaadhaya in Kabuga la soo taago Maxkamadda Racfaanka ee Paris iyo in loo gudbiyo maxkamadda caalamiga ah ee The Hague.

 

 

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada ee Rwanda ayaa hore Kabuga ugu soo oogtay eedo la xidhiidha xasuuqii Rwanda.

 

 

Augustin Bizimana iyo Protais Mpiranya oo ah laba nin oo kale oo u dhashay dalka Rwandan kuwaasi oo iyana xasuuqaasi lagu tuhmayo ayaa wali ay ku raad joogtaan maxkamadda cadaaladda dunida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker