Trump oo ay caqabad kale soo wajahday

Xaakim heer federaal ah oo Mareykanka ku sugan ayaa xukmiyay in Donald Trump uusan xasaanad ka heysan in dacwad dembi ah lagu soo oogo, taasoo la xiriirta tallaabooyinkii uu qaaday markii uu madaxweynaha ahaa.

Waa caqabaddii ugu dambeysay ee soo wajahda Trump, lana xiriirta kiiska afgembigii la sheegay inuu isku dayay inuu ku sameeyo doorashadii looga adkaaday 2020.

Mr Trump – oo qorsheynaya inuu mar kale u tartamo madaxtinnimo sanadka soo socda – ayaa si degdeg ah racfaan uga qaadan kara xukunkan, waxayna gaari kartaa ilaa Maxkamadda ugu Sarreysa. Waxay sidoo kale dib dhigi kartaa maxkamadeyntiisa oo ku beegan bisha March.

Mr Trump ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker