Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi oo weerar ku qaadday Prof. Samater
Hargeysa (OWN) โXukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay maalmihii u dambeysay saluug ka muujinaysay hab-dhaqanada siyaasadeed ee Prof Axmed Ismaaciil Samatar.
Prof Samatar ayaa mudooyinkii udambeeyay kulamo kala duwan ku qabtay Gobolada Somaliland isaga oo uu ku wehlinayay kulamadasi Dr. Cali Khaliif Galeyr, kuwaasi oo dadweynaha kula qaadanayey doodo kala duwan.
Haddaba, Guddoomiyaha hayโadda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland, Cabdikariin Axmed Xinif oo Warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa dhaliilo usoo jeediyay Prof Samatar, kaasi oo sheegay inuu Profserku ku biyo shubtay hal beel.
Xinif oo ka hadlaya arrinkaasi ayaa wuxuu yiri โHaddii Aqoonyahanka hadalkiisa ugu dambeeyaa sida imika jirta uu noqdo โHaddaynu reer Hebel nahay waala inna dulmiyey oo xaq baa innaga maqanโ, kaasi aqoon ma soo kordhin ee odayaasheenu intay yaqaaneen ayuun buu imika gaarayโ.
Wuxuuna intaas kusii daray โMarkuu Kulmiye ahaa iyo imika siduu u dhaqmayaa waa kala laba siyood, markuu Kulmiye noogu yimid ee uu shaqaynayey iyo imika siduu u dhaqmayaa waa kala laba siyood oo aan shaqo isku lahayn, waqtigaana qaranimo iyo aqoon buu ka hadlayey, imikana aqoontiisii xaafad bay ku ururtayโ
Prof Samatar ayaa xiligii uu socday ololihii doorashadii Somaliland ka qabsoontay 2017-kii ku biiray xisbiga talada haya ee Kulmiye, isagoona door weyn ka qaatay ololahaasi, ayaa haddaโse wuxuu u muuqda iney waxbadan iska badaleen wixii uu ka aaminsanaa Madaxweyne Muuse Biixi.
Samatar ayaa dhowr mar goobo fagaare ah ka jeediyay qudbado uu ku dhaliilayo Xukuumada Biixi, isagoona weli ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye
Dhinaca kale, Prof Samatar iyo Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani C/raxmaan Ciro, ayaa waxay galinkii dambe ee Jimcihii todobaadkii hore si wada-jir uga ambabaxeen dalka Kenya, taasi oo xukuumada Biixi ku abuurtay shiki-baโan.