Waa maxay XalKa loo helay dhibaatadii abaaraha deegaannada Soomaalidu Degto?

 

 

Dhalinyaro ku takhasustay cilmiga xoolaha ayaa sameeyay warshad soo saarta calafka xoolaha oo nafaqaysan, waana warshadii ugu horreysay ee nooceeda ah oo Dowlad Deegaanka Soomaalida laga hirgaliyo.

Cabdi Xasan Suufi oo ah Guddoomiyaha warshadda ayaa BBC u sheegay in tallaabadan ay ku dhalisay markii abaaraha ay saameyn ku yeesheen dadka reer guraaga si ay ula yimaadaan qaab looga hortaggi karo in xoolo badan ay dhintaan.

Waxaa uu sheegay inay diyaariyaan cunto nafaqo leh oo casri ah oo ka duwan calafka dabiiciga ah ay xoolaha daaqaan.

 

 

Waa cunto xiran oo budo ah taas oo neefka ka kaafineysa baahida oo laga sameeyay 18 nooc ah oo cunto ah” ayuu yiri Cabdi Xasan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in neefka Geela iyo lo’da irmaanka ah ay u diyaariyaan calaf ka qeybqaadanayo sare u qaadidda caanaha ay soo saaraan isla markaasna maalinkii la siinayo oo kaliya ah 2.5 Kilo.

Suufi ayaa sidoo kale xusay in lo’da ay ugu talagaleen nooc ka qeybqaadanayo naaxinta dibida dhaqaalka ah si muddo yar ay u koraan.

.

“Tusaale ahaan, bil iyo bar illaa saddex bilood, in neefka dibiga ah lagu gaarsiiyo 350 Kiilo iyadoo lugta laga xirayo, lana siinayo cuntadan casriga ah, wax kalena u baahaneyn” ayuu yiri Cabdi Xasan Suufi.

Arrintani ayaa ka caawin doonta dadka xoolo dhaqatada ah ee deegaankaas inay xoolahooda uga raadsadaan calaf xilliyada abaaraha.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker