Su’aalaha muhiimka ah ee uu Farmaajo diiday inuu ka jawaabo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeyb galay Dood-cilmiyeed uu soo qabanqaabiyay machadka Cilmibaadhista ee RAAS, ayaa ka gaabsaday inuu wax jawaab ah ka bixiyo su’aalo ku saabsanaa dhowr arrimood oo muhiim ah.

Waxyaabaha uu sharraxaadda ugu badan ka bixiyay waxaa ka mid ahaa hannaanka doorashada iyo sida ay isugu waafaqeen madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku shiray magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu ka jawaabay su’aalo badan oo salka ku hayay amniga, horumarinta dhalinyarada, midnimada qaranka iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Hase yeeshee, waxaa jira saddex arrimood oo uu madaxweynuhu si toos ah ugu gacan seydhay inuu ka jawaabo.

1- Arinta gobolka Banaadir

Tan iyo markii ay soo baxeen doodaha ku saabsan habka ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya, waxaa isasoo tarayay su’aalaha la xidhiidha maqaamka gobolka Banaadir iyo kuraasta siyaasadeed ee uu ka helayo Aqalka sare ee baarlamaanka.

Qodobkan oo ah mid xasaasi ahaa ayaa in muddo ahba waxaa ku hareereysnaa mowqifyo kala duwan oo muran dhaliyay.

Dhawaan waxaa lasoo jeediyay in gobolka Banaadir 13 kursi laga siiyo Aqalka Sare. Laakiin waxay dood ka dhalatay in taasi aysan waafaqsaneyn Dastuurka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo su’aal laga weydiiyay sida la isu waafajin karo Dastuurka iyo kuraasta gobolka Banaadir ayaa jawaabtiisa kusoo gabagabeeyay “in su’aashaas uusan mudneyn in la weydiiyo isaga”.

“Waad ogtihiin, aniga ayaa billaabay inaan baarlamaanka ka codsado in matalaad loo sameeyo gobolka Banaadir, iyaguna way aqbaleen codsigeyga, waxay soo saareen qaraar ay ku aqbalayeen in gobolka Banaadir loo oggolaado 13 xubin oo Aqalka Sare ah. Arrintaasi waa labo qeybood, mid dhinaca sharciga ah iyo mid dhinaca siyaasadda ah, qyebtii siyaasadeed way dhammaatay, waxaa ugu dambeysay labo isbuuc ka hor oo aan xafiiskeyga isugu yeedhay guddoomiyaha gobolka Banaadir, guddoonka Aqalka sare iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka, oo aan u sheegay in howshan ay soo dhaaftay siyaasad, wixii markaan ka dambeeyana ay galaan farsamo iyo sidii ay u waafajin lahaayeen dastuurka, marka su’aashaas iyaga weydii.” Ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo.

2- Arrinta matalaadda gobollada Sool iyo Sanaag

Horay waxaa u soo baxay warar sheegaya in kuraasta lagu matalayo gobollada Sool iyo Sanaag ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya lagu soo dooran doono magaalada Muqdisho.

.

Arrintaas waxaa xitaa cadho ka muujiyay mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Gabdh ka mid ahayd dadkii dood cilmiyeedka kala qeyb galay madaxweynaha ayaa soo bandhigtay su’aal ku saabsan sida loo maareynayo mataaladda labadaasi gobol.

Balse su’aashaas ayuu madaxweynaha diiday inuu ka jawaabo.

“Su’aasha Rooda ee ka hadashay doorashada Sool iyo Sanaag, Roodo su’aashaadu way adag tahay kama jawaabi karo, raalli iga ahow,” ayuu kusoo koobay Farmaajo.

3- Arintii Qalbi Dhagax

Madaxweyne Farmaajo ayaa in muddo ahba wajahayay eedeymo ku aaddan in dowladdiisu ay Itoobiya ku wareejisay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sargaal sare oo ka tirsan jabhadda ONLF.

.

Markii ay eedeymahaas soo baxeen ilaa hadda madaxweynuhu kama uusan hadlin mowduucaas, dad badanna waxay ku dhaliilayeen inuu ka aamusay arrintaas.

Nin dhalinyaro ah oo fursad u helay inuu madaxweynaha su’aalo ku weydiiyo kulankii dood-cilmiyeedka, oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa yidhi: “Madaxweyne ma laga yaabaa inaad ururka ONLF ka saarto liiska argagixisada, inta aadan aadin doorashada, sidoo kale umadda Soomaaliyeed iyo Qalbi Dhagax ma weydiisan doontaa Cafis, madaama aad qof Soomaaliyeed u dhiibtay dowlad kale?”

Madaxweynaha ayaa markii uu su’aalaha ka jawaabayay aan soo hadal qaadin midda ku saabsaneyd Qalbi Dhagax iyo guud ahaan ururka ONLF.

Labada arrimood ee kale jawaabtooda wuu ka cudur daartay Farmaajo, laakiin su’aashan wuu ka gaabsaday.

Qalbi Dhagax waxaa xadhigiisa kaddib sanadkii 2018-kii laga sii daayay xabsi ku yaalla Dalka Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker