Akhriso: Odayaasha Galmudug oo Bayaan ka Soo Saaray Doorashada

Dhuusamareeb (OWN) – Odayaasha dhaqanka, gaar ahaan kuwa saxiixayaasha Galmudug oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa todobo qodob ka soo saaray doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

 

 

Warsaxaafadeedka ka soo baxay odayaasha ayaa ugu horreyn waxaa dowladda federaalka loogu baaqay inay taageerto xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, islamarkaana ay ku garab istaagto dhismaha loogu jiro maamul loo dhan yahay.

 

 

Sidoo kale ayaa odayaasha dhaqanka ayaa ka dalbaday baarlamaanka in aan dib loo dhigin waqtiga doorashada, islamarkaana la qabto waqtiga loo asteeyey.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu faray xubnaha 20-ka ee Ahlu Sunna ugu jira baarlamaanka Galmudug inay gutaan waajibaadka loo igmaday, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo dib u dhac ku yimaada doorashada maamulkaasi.

 

 

Saxiixayaasha Galmudug ayaa dhinaca kale beesha caalamka ka dalbaday inay teegeerto dhismaha loogu jiro maamul mid ah oo ay u dhan yihiin reer Galmudug.

Ugu dambeyn waxa ay odayaashaan u soo jeediyeen musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inay ka qeyb qaataan tartanka doorashada.

Halkan hoose ka akhriso:

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker