Muxuu Ku Saabsanaa Kulan 90 Daqiiqo Ah Oo Ay Wada Yeesheen Steven Gerrard & Jurgen Klopp?
]Inkastoo Steven Gerrard loo arko tababarihii bedeli lahaa Klopp marka uu ka tagao Anfield, hadana Klopp ayaa ku faraxsanaa inuu sirtiisa la wadaago kabtankii hore ee Reds.
Gerrard ayaa ka tagay Liverpool markii uu macalinka reer Jarmal imaanayay Merseyside.
Laakiin labada nin ayaa dhawaan kulmay waxaana ay ka wadahadleen arimo la xiriira shaqada tababarka, iyadoo Gerrard uu shaaca ka qaaday inuu talooyin badan ka helay Klopp.
Gerrard ayaa yiri: โWaan ogsoonahay in shaqadiisa ay tahay 24/7, umana baahna inaan mashquuliya ama aan hor istaago mar walba.
โLaakiin waxaan qirayaa in mar walba oo aan la kulmay ama aan is aragnay inuu si fiican iila dhaqmay.
โDhawaan waxaan la sameeyay wareysi la xiriira leysankeyga tababarenimo. Waxay aheyd inuu ila taliyo muddo 15 daqiiqo ah laakiin waxaan wada hadleynay saacad iyo bar.
โWaa shaqsi dabeecad dhab ah leh oo ku siinaya wax walba aad u baahan tahay iyo ka badan.
โWaa buug furan, mar walba oo aan wax weydiisto waxa uu iigu sameyn jiray si ka fiican sidaan u rabay.โ