“Somaliland waxay innaga baryeysay in ay Kenya ka furato Xafiis Hargeysa , Hadaan Jaanis Haysanaa “

Hoggaamiyaha Isbahaysiga Thirdway Alliance ee dalka Kenya, Dr. Ekuru Aukot, ayaa dawladda Kenya ku dhaliilay inay ka gaabisay sidii ay u kala qaybin lahayd maamulada kala duwan ee ka jira Soomaalida .

 

Dr. Ekuru Aukot oo ka hadlayey dood lagu falanqeynayey xiisadda ka dhalatay cilaaqaadka Kenya iyo Soomaaliya oo xumaaday toddobaadkii la soo dhaafay, waxaanu caddeeyey in Kenya ay Xafiis diblomaasiyadeed uga furan weyday Somaliland iyo maamulada kale ee dalka Soomaaliya.

 

“Somaliland waxay innaga baryeysay in ay Kenya ka furato Xafiis Hargeysa, Inkastoo Somaliland Nairobi ku leedahay Xafiis Ganacsi. Waxaynu u diidnay innagoo tixgelinayna Soomaaliya, Soomaaliya ayaa ku dirqiyaysa Kenya in aanay xidhiidh la sameynin Somaliland,”ayuu yidhi Dr. Ekuru Aukot.

 

Hoggaamiyaha isbahaysiga Thirdway Alliance, ayaa sheegay in dhibaatooyinta ay Kenya kala kulmayso Soomaaliya sii soconayso illaa ay Dawladda Kenya xoojinayso cilaaqaadka ay la leedahay Somaliland isla markaana ay ciidammadeeda kala soo baxdo Soomaaliya.

 

Dr. Ekuru Aukot wuxuu sheegay in xudduuda u dhexaysa Kenya iyo Soomaaliya aan wax calaamad ah lagu sameyn wixii ka dambeeyey markii ay dalalkaasi.

 

Dr. Ekuru Aukot

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker