Odayaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Dalbaday In Doorashada Dib Loo Dhigo Inta Ay Xaaladu Ka Degeyso.
Baydhabo-(OWN)- Iyadoo loo balansan yahay in 19ka bishan magaalada Baydhabo lagu qabto doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo guddigga doorashada oo laga dalbanayo in ay dib u dhigaan waqtiga doorashada in xaalka magaalada Baydhabo laga dajinayo.
Xaaladda magaalada Baydhabo oo maalamahan ba kacsaneyd kadib markii dowladda Federaalka ay xabsiga dhigtay Mukhtaar Robow oo kamid ah musharixiinta doorashada ayaa odhayaasha dhaqanaka waxaa ay sidoo kale shegeen jawiga hadda uusan aheyn mid sahlaya in doorasho ay la qabto.
”Intii jawi degan laga helayo, dadka na laga la hadlayo oo xaaladda ay ka degeyso waxaan ugu baaqnay guddiga doorashaeda iyo ku simaha madaxweynaha in dib loo dhigo doorashada”.Sidaasi waxaa yidhi Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah odhayaasha Koonfur Galbeed.
Baaq kan la mid ah waxaa maalintii shalay soo saaray guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Guddiga Doorashada ka dalbaday in dib loo dhigo waqtiga doorashada, isaga oo dhinaca kalana ku baaqay in deg deg loo sii daayo Mukhtaar Rooboow oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa maanta qorshuhu yahay sida ku qoran jadwalka doorasahada in ay khudbadahooda ka hor jeedinayaan xildhibaannada Koonfur Galbeed, waxaana musharixiinta la filayay in ay maanta hadlaan ka mid ah Mukhtaar Roobow oo u xidhan dowladda Soomaaliya.