Gudoomiyaha Gobolka Sool oo Ka Hadlay Qaabkii Gobolka Looga Saaray Abuukar Qaad-diid

Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe ayaa sheegay in Qaad-diid uu sifo qaldan ku soo galay magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Abuukar  Qaad-diid

Abuukar Qaad-diid

 

 

Gudoomiyaha oo War saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu si aad ah u dhaliilay Qaadiid isagoo sheegay in uu doonayey inuu shirar ku qabto magaalada isagoo aan ogolaansho u haysan.

 

Wacaanuu ku Dooday Badhasaabku sidan

 

“Waxaan ahay masuulka ugu sareeya gobolka wax xog ah oo aan ka hayey imaanshihiisa ma jirin, mida kale socodkiisu kama madhnayn siyaasad,ah inuu Dhowaan amaanayey Farmaajo,

 

Shalayna Cabdiweliga Puntland, nimankaana kala mabda baan nahay” ayuu yidhi Jiidhe waxaanu meesha ka saaray in wax ogolaansho ah uu soo weydiistey maamul ahaan.

 

 

Hadalka gudoomiyaha ayaa yimi markii ciidanka Boolisku ay magaalada Laascaanood ka masaafuriyeen Abuukar Qaad-diid taas oo baraha bulshada si aad ah loogu hadal hayo.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker