“Haweeney masiixiyad ah ayaan u ekeysiiyay gabar Soomaali ah oo xanuunsanaysa”

Mid ka mid ah wadaad diimeedyadii muranka ugu weyn hareeyay ee dalka Kenya ayaa la aasay maalintii Talaadada, kaddib markii uu ku geeriyooday da’da 89. Ka hor inta uusan geeriyoonin wuxuu qirtay hal mar oo uu been sheegay.

Beentaas ayaa qeyb ka ahayd ol’ilihiisii nabadda iyo caddaaladda ee uu ka waday dalka Kenya.

Waxay ahayd dhacdo uu sameeyay markii uu haweeneyda ku guuleysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka Prof Wangari Maathai, ku caawinayay inay ka baxsato booliska oo waday howlgallo baaxad leh oo ka dhan ah dadka u dooda xuquuqda aadanaha, horaantii 1990-meeyadii.

Baadari Mwana a’Nzeki wuxuu markaas qeyb ka ahaa qorshe Prof Maathai lagu qarinayay loona ekeysiinayay haweeney muslim ah oo Soomaali ah. Arrintaasina waxay sababtay in la safriyo masaafe dhan ilaa 200km (125 miles), iyadoo intaasoo dhan lasii gudbinayay baro koontarool oo ay booliska leeyihiin.

Waxaa la geeyay guri uu baadarigan ku lahaa magaalada Nakuru ee ku taalla gobolka caanka ka ah dalka Kenya ee Rift Valley.

Prof Maathai, oo ahayd haweeney ku caan baxday u doodista xuquuqda aadanaha iyo deegaanka, ayaa xilliga la safrinayay waxay xirneyd xijaab, waxayna iyadoo iska dhigyesa qof indhoole ah indhaha ku taageysay ciidanka booliska kaddib markii darawalkeeda, oo isagana ahaa baadari kale, ay ciidanka ku khasbeen inuu istaago mid ka mid ah jidgooyooyinka ay sameysteen.

“Miyey xanuunsan tahay?” ayey weydiiyeen booliska, oo la hadlayay darawalka. Baadarigii gaariga waday ayaa ku jawaabay haa way xanuunsan tahay, askartiina waxay islamarkiiba u oggolaadeen inuu sii socdo.

Maalintii xigtay Prof Maathai ayaa shir kala qeyb gashay wadaad diimeedka.

‘Hal mar unbaad dhimaneysaa’

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Booliska ayaa markii dambe shirkaas ka hor istaagay inuu sii socdo, laakiin baadariga wax cabsi ah kama muuqanin. Dadka uu caawinayay ee ay ku jirtay Prof Maathai, waxay bulshada dhexdeeda uga soo shaac baxeen si weyn, maadaama ay kasoo horjeesteen dowladdii lagu tilmaami jiray inay “xukun adkeyd” ee uu madaxweynaha ka ahaa Daniel arap Moi.

Maurice Crowley, oo baadarigaas yaqaannay muddo 40 sano ah ayaa sheegay in lagu xasuusan doono “geesinnimadii uu ku wajahay dadkii ugu awoodda badnaa dalka”, isagoo wax cabsi ahna aan muujineynin.

“Wuxuu mar kasta saaxiib la ahaa dadka uu u arkayay inay khaladka ku taagan yihiin, si uu u saxo, dadkana way u hoggaansami jireen”, ayuu yiri Crowley.

Marka ay saaxiibadiis uga digaan inuu naftiisa khatar ku galinayo ficillada ka dhanka ah dowladda, wuxuu oran jiray “hal mar unbaad dhimaneysaa”.

@ BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker