Tahriibayaal Ku Xidhnaa Xabsiyada Magaalada Tripoli Oo Rarayo
Boqolaal Tahriibayaal oo ku xidhnaa Jeelasha magaalada Tripoli ayaa laga raray kadib markii dagaalo culus ay dhaceen magaalada tripoli dagaalaas oo kooxda uu hogaaminayo Marshal Khalifa Hifter doonayo inay la wareegaan Caasimadda Dalka Liibiya.
Arrintan ayaa soo baxaysa maalin kadib markii hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ay sheegtay in kumanaan tahriibayaal afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Somali ayaa ku xidhan xabsiyo kala duwan oo ku yaala magaala Tripoli halkaas oo dagaalo ba’an ka socdaan.