Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay diyaarad rakaab sidday oo ka baxday dhabaha diyaaraduhu kusoo degaan ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Qofka dhaawacmay ayaa la sheegay inay tahay gabar, islamarkaana ay qoorta ka jabtay.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa xaqiijisay in diyaaradda nooceedu yahay E120 oo u shaqeyneysay Shirkadda HALLA AIRLINE ay ka baxday dhabaha ay caga dhigtaan diyaaradaha ee Garoonka Aden Adde International Airport abaare 12:23 Duhurnimo.

Illaa hadda mas’uuliyiinta ma hubaan waxa keenay inay diyaaraddu ka baxdo dhababaha diyaaradaha.

Diyaaraddan ayaa la sheegay inay sidday 34 qof, oo isugu jiray 30 shacab ah iyo 4 shaqaalaha diyaaradda ag, islamarkaana ay ka timid magaalada Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland.

Shaqaalaaha gurmadka ayaa jooga goobta, waxaana tagay dab-damiska.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa sheegtay inay wali ku guda jirto baaritaan ku saabsaan shilkaas maanta dhacay, ayna soo saari doonto warbixin dhameystiran marka la soo gabagabeeyo baaritaankaas.

Mid ka mid ah mas’uuiyiinta garoonka ayaa u sheegay VOA inay doonayaan in si degdeg ah loo furo dhabaha diyaaradaha si ay ugu soo degaan diyaaradaha kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker