Barkhad Batuun Oo Ka Dareen-celiyay Xilka Af-hayeenka Xisbigga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo Shalay Gudoomiye Cirro U Magacaabay

Marka koowaad waxaan u mahadcinayaa Illaahay, marka labaadna hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo Guddoomiyaha Xisbiga Oo ii gartay in aan noqdo Af-hayeenka WADDANI. Waxaan mahadcelin milge, maamuus iyo miisaan le u dirayaa guud ahaan reer Somaliland gude iyo dibad inta jecel quruxda Somaliland ee isoo dhawaysay inna soo hambalyaysay, walalayaal fariimihiinna tirabeelka ahaa ee hambalyada ahaa way i soo gaadheen waanan idinka mahacelinaya. Waxaad ii muujiseen lexejeclo, xilweynbaan qaaday Oo runti ah mid duco u baahan ducadiina iyo dardaarankiinna Alle haygu ilhaansho.

Waxaan u arkaa xilka lay dhiibay Imtaxaan Alle swc igu eegayo Shayga Mas’uuliyadda la idhaahdana waa shay culeyskiisa iyo caqabadiisa leh runti! Xildhankani wuxu yahay guul dhallinyaradda Somaliland Sawirka Siyaasadda ku xariiqday, halkaa iyo heer ka sarreeyaba dhallintu way mudantahay. Waxaan xoojin doonaa, xaq u dirirnimada, raacdada caddaalada, halganka midnimada, midaynta qaranka iyo soo bandhiga baylaahaa tirabeelka ah ee qaranka hor yaal. Xilku waa hal-xidhaale waxaanse ballanqaadayaa in aan dadaal iyo dardar ku gudan doono hawlaha Xisbiga. waxan ugu dambeynti si weyn ugu mahadcelinaya Af-hayeenki iga horreeyey xilkan Mudane: Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba Oo ahaa Aasaasayaashi xisbiga Tacab badan galiyey si sharaflehna igu soo dhaweeyey xilkan mustaqbal wacan iyo maamulka dalka oo aynu hagaajina ino ballan ah wallaal.

Dhammaantiin waxaan idiin hayaa abaal, ogaal iyo ammaan.
Af-hayeenka Xisbiga Waddani Garyaqaan Barkhad Jamac Batun

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker