Warar Dheeraad Ah: Ninka Muuqaalka Iska Duubay Ee Muslimiinta Badan Ku Dilay Masaajidka New Zealand

Waxaa soo baxaya faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan ninkii dadka badan oo Muslimiinta ahaa Maanta oo Jimce ah ku laayey Masjidka Alnuur ee dalka New Zealand,kaas oo la sheegay in uu ahaa Cunsuri soo galeetiga neceb.

Ninkaas ayaa waxaa lagu Magacaabaa brenton Tarrant, waxaana la sheegay in uu ka yimid dalka Australia ,isaga oo xilliga uu Masjidka Alnuur weerarka ka geysanayay uu muqaalo toos Facebook ah iska duubayey.

Brenton Tarrant oo u dhashay dalka Australia ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay sababta uu Masjidka u weeraray in uu ku dayanayo Nin lagu Magacaabi jiray anders breivik, kaas oo 22july Sanadkii 2011 weerar ka geystay dalka Norway.

Dad ugu yaraan 49 qof ayaa weerarkaas ku geeriyooday, waxaana leysweeydiinayaa waxa keenay in isaga oo dad leynaya uu soo dhigo ama live kasoo galo Facebook,waxaana Maanta uu yahay weerarkaas kan ugu hadalheynta badan sanadkaan 2019 Caalamka.

Hoosta ka daawo muqaalka naxdinta badan ee Brenton Tarrant uu u gaystay dadka muslimiinta ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker