Dib U Dhac ku Yimid Qorshe Dib Loogu Furi Lahaa Duulimaadyada Gudaha Dalka Somalia

Waxaa dib loo dhigay qorshe maalmo ka hor la shaaciyey oo Maanta  oo taariikhdu tahay 3-da Juun lagu furi lahaa Duulimaadyada garoonka Aadan cadde iyo gobolada dalka oo bilo ka hor loo joojiyey sababo la xiriira cudurka COVID-19.

 

 

Kulamo isdaba-joog ahaa oo ay yeesheen Guddiga Shirkadaha Diyaaradaha Soomaliyeed iyo Wasaaradada Gaadiidka iyo Cirka Dhulka dowlada Soomaaliya, Wasaarada Caafimaadka, Wasaarada Ganacsiga,

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed, Maamulka garoonka, Shirkadda Favori, heyadda socdaalka iyo hay’adaha amniga garoonka ayaa maalmo ka hor la isku raacay in maalinka Arbacada ah oo ku beegan 3-da June 2020 dib loo furo garoonka si ku meel gaar oo ay howlgali karaan duulimaadyada Gudaha ah iyadoo la ilaalinayo badqabka dadka rakaabka ah, Si looga feejignaado cudurka Covid-19 oo markii horeba sababay in la xidho.

 

 

Waxaa sidoo kale kulamadaas ka soo baxay amaro cusub oo loogu talo galay badqabka rakaabka iyo ilaalinta Caafimaadka, si looga feejignaado cudurka COVID-19.

 

 

Hase ahaatee warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay oo laga helayo masuuliyiinta garoonka Aadan cadde ayaa sheegaya in dib loo dhigay qorshihii beri lagu furi lahaa duulimaadyada gudaha, warbixino kale oo illaa hadda aan la xaqiijin ayaa sheegaya in 8 bishan la furayo duulimaadyada gudaha.

 

 

Faahfaahin lagama bixin sababta dib u dhaca arrintan balse waxaa jira warar sheegaya iney jiraan arrimo farsamo iyo khilaafaadyo u dhexeeya shirkadaha dayuuradaha qaarkood oo keenay in qorshahan uu illaa amar dambe la joojiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker