Dawladda Maraykanka oo Dalka Somalia ku Dartay Liiska Wadamada Ugu Halista badan Caalamka , ugana Digtay Muwaadiniinteeda in ay U safraan
Muqdisho (OWN) โDowladda Mareykanka ayaa soo saartay warbixin dheer oo ay kaga hadashay waddamada ugu halista badan Caalamka ee ay tahay in ay ka fogaadaan muwaaddiniinteeda.
Waddamadan oo guud ahaan ka kooban 35 dal, ayaa loo kala sameeyay heerarka 4aad, 3aad, 2aad iyo 1aad.
Heerka ugu halista badan waxaa uu yahay midka 4aad,waddamada kujira waxaa ka mid ah Soomaaliya,waxaana loo aqoonsaday in ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee lagu afduubto dadka Mareykanka ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa uga digtay muwaaddiniinteeda in guud ahaan heerka 4aad waddamada ku jira ay u safraan halka heerarka kale la faray in ay feejignaadaan.