Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Oo Sheegay Inuu Hore Uga Digay Dagaalka Ganacsiga Ee Maraykanu Bilaabay

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiistii qabtay shirkiisii jaraa’iid ee sanadlaha ahaa ee loo fasaxay shacabka inay su’aalo weydiiyaan, kulankaasi oo socday muddo 5 saac oo xariir ah.

In ka badan 2 milyan oo su’aal ayey shacabka soo weydiiyeen Madaxweynaha Ruushka, walow uu ka jawaabay su’aalo ay soo xuleen xubnaha kulanka daadihinayey, su’aalahaasi oo u badnaa kuwo fudud.

Balse Putin ayaa fursadan u adeegsaday inuu uga hadlo arrimo badan oo la xariira Siyaasada Ruushka iyo waliba xiisada caalamka ka taagan.

Tariifada Maraykanka soo rogay

Putin ayaa sheegay inuu horey digniin u siiyey dalalka Reer galbeedka inay ka taxadaraan awooda Maraykanka iyo in ay ka shalaayi doonaan aaminaada ay aamineen Maraykanka.

Canshuurta iyo Tariifada Maraykanka kusoo rogay ganacsatada Midowga Yurub ayuu sheegay inay lamid yihiin cunaqabateyntii reer Galbeedka ay horey usaari jireen Ruushka.

Dagaalka Siiriya

Vladimir Puntin oo markii 4aad xilka Madaxweynaha loo doortay bishii Maarso ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay sii joogi doonaan wadanka Siiriya illaa iyo inta loo baahan yahay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalka Siiriya uu fursad u siiyey Ciidamada Ruushka inay halkaasi ku tijaabiyaan hubkooda casriga ah, isagoo intaasi raaciyey in sanadka soo socda lasoo gaba gabeyn doono mashruuca cusub ee uu Ruushka ku dhisayo Gantaalada qaaradaha isaga gudba oo casri ah, gantaalkaasi oo uu doonayo inuu kula loolamo Maraykanka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker