Guuldarooyin Badan ka Dib Liverpool Ma ka Badin kartaa Kooxda Ajax

Liverpool oo lagaga soo badiyey 7-2, looguna xigsiiyey barbarro 2-2 ah oo ay wada galeen Everton Sabtidii ayaa marti u tahay Ajax oo ay u baahan yihiin inay guul kala soo laabtaan,

iyadoo uu waliba ka maqan yahay difaacooda Virgil van Dijk oo macasalaameeyey xili ciyaareedkan kaddib dhaawac culus oo uu u geystay goolhaye Jordan Pickford.

Kulankan ayaa ugu soo beegmay Liverpool xilli xun oo ay hadheeyeen dhaawacyo, guulana aanay gaadhin labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Thiago Alcantara iyo Joel Matip ayaa iyaguna ciyaartan ku seegaya dhaawacyo, waxaana uu Jurgen Klopp ka hor tegayaa Ajax iyadoo ay doorashooyinku ku yar yihiin oo ay hubaal tahay inay ka liitaan sidii ay ahaan jireen.

Kooxda koobkan Champions League ku guuleysatay xili ciyaareedkii 2018-19, waxay caawa mari doontaa imtixaan adag oo qalinka loo qaadin doono in la qiimeeyo sida ay u ciyaari karayaan Van Dijk oo maqan iyo difaacooda oo tayadii ka maqan tahay,

taas oo ay u dheer tahay in Joe Gomez uu kalidii yahay oo ciyaartoy khadka dhexe ah garabkiisa la keeni doono.

Dhinaca kale, Ajax oo lixdii jeer ee ugu dambeeyey ee kooxo Ingiriis ah ay ka hor tagto mar kaliya guuleysatay ayaa waxa uu tababare Erik ten Hag haystaa koox uu isku dubba-ritay kaddib xiddigihii waaweynaa ee ay lumiyeen sida Frenkie de Jong, De Ligt, Donny van de Beek iyo Hakim Ziyech.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Ajax vs Liverpool

Tartanka: Champions League

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: John Cruyff ArenA.

Garsooraha: Felix Brych (Germany)

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Liverpool ayaa ahaan doonta Van Dijk la’aantii xili ciyaareedkan oo dhan, waxaana u raacay Thiago Alcantara oo isagana uu dhaawac u geystay Richarlison oo kaadh cas ku qaatay laakiin la filayo in ciyaartan oo kaliya uu seego.

Difaaca reer Cameroon ee Jol Matip oo kulankii Sabtidii ciyaaray ayaa ku laabtay dhaawac kale oo kasoo gaadhay muruqa, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Fabinho uu ka ciyaari doono difaaca oo Gomez ay is garab istaagi doonaan.

Naby Keita ayaa usoo laabtay kooxdiisa markii uu soo dhamaystay karantiilka Korona Fayras oo ku dhacay.

Alisson Becker iyo Alex Oxlade-Chamberlain ayaa iyaguna dhaawacyo ku maqan.

Ajax waxa dhinaceeda usoo laabtay Quincy Promes iyo Antony oo kaydka fadhiyey ciyaartii usbuucan ee Heerenveen, taas oo Tadic uu goolal u dhaliyey.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood:

Ajax: Onana; Mazraoui, Schuurs, Blind, Tagliafico; Klaassen, Kudus, Promes; Neres, Tadic, Antony

Liverpool: Adrian; Alexander-Arnold, Fabinho, Gomez, Robertson; Keita, Henderson, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane.

Kulanka Manchester City vs Porto
Pep Guardiola ayaa sii ahaan doona Kevin de Bruyne la’aantii, waxaana laacibka reer Belgium uu hore u seegay kulankii Arsenal ee toddobaadkan.

Labada difaac ee Aymeric Laporte iyo Benjamin Mendy ayaa daaweyn loo samaynayay usbuucan, waxaase soo kabtay Sergio Aguero waxaanu sii ahaan doonaa hoggaamiyaha weerarka maadaama uu maqan yahay Gabriel Jesus.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Manchester City: Ederson; Walker, Dias, Ake, Cancelo; Rodri, Gundogan, Foden; Torres, Aguero, Sterling

Porto: Marchesin; Manafa, Mbemba, Pepe, Sanusi; Oliveira, Otavio, Uribe; Corona, Marega, Anderson

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker