Shacabka Somaliland Oo Qayliyey Dhaqannada Ciidamada Booliska Somaliland
Tan iyo intii Somaliland Xornimada lasoo noqotay ee dib u dhiska lagu samaynayay dalka, ciidamada kala duwan ee qaranku waxa ay ahaayeen kuwo shacabka tix-gelin ballaadhan ka haysta marka la eego doorka ay ku lahaayeen dib u dhiska iyo nabadaynta qaranka iyo dhinaca kale duruufaha adag ee ay muddodaasi soddonka sano ku dhaw ku soo shaqaynayeen.
Ciidamada Booliska Somaliland oo ka mid ah ciidamada qaranka ee kala duwani waxa ay hore ugu suntanaayeen dadaal iyo naf-huris ay qarankooda ugu shaqaynayeen tan iyo maalintii dhidibada loo taagay sannadkii 1993-kii wakhtigaasi oo ay soo mareen duruufo kala duwan oo waayahooda lahaa bulshaduna in badan ka war qabtay doorka iyo kaalinta ay qaranka ugu jiraan balse muddooyinkii ugu dambeeyey marka aad eegto hab-dhaqannada layaabka leh ee ay marar badan ku kacaan ciidamada ammaanku waxa soo baxaya hoos u dhac weyn oo ku yimid shacbiyaddii ay umadda ku dhex lahaayeen iyada oo intaasi Bulsahdu ku baaqayso in la gaadhay wakhtigii ciidamada booliska dib u habayn ballaadhan lagu samayn lahaa (Reform).
Hannaanka ay uga jawaabaan rabshadaha wakhtiyada qaarkood dhaca ee ay rabshadaha uga hor tagaan waxa ay hore u keentay marar badan in ay rasaas nool dad badan ku laayeen. Sidoo kale waxa muddo badan isa soo tarayay cabashada culus ee ay qabaan dadka danta yar ee suuqyada ku ganacsadaa dhibaatada ay kala kulmaan ciidamada ammaanka sida rarista dadkaasi ku ganacsada jidadka hareerahooda oo marar badan la arko qaabka arxan darrada ah ee Boolisku u jiidjiidaan dadka una galalafaan hantida bacad-yaalka ah.
Saxaafadda ayaa iyana muddo dheer cabasho ka soo yeedhaysay hannaanka dhibka badan ee boolisku ula dhaqmaan marka ay hawlgallo ka dhan ah saxaafadda fulinayaan iyada oo la wada xasuusto qaabkii uu dhawaan askari ka tirsan ciidamada boolisku u waxyeeleeyey gabadh wariye ah iyo sawir qaadaheedii oo ka tirsanaa Telefishanka HCTV iyo waliba hawlgalkii ugu dambeeyey oo shalay ciidamada Boolisku ku waxyeeleeyeen mid ka mid ah wariyayaasha Telefishanka kaasi oo la sheegay in askari ka tirsan ciidamada nabad galyada waddooyinku soo gaadhsiiyey dhaawac jabniin ah.
Dhinaca kale falkii loogu hadal haynta badnaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey si gaar ahna u qabsaday waxa baraha Bulshadu waxa uu ahaa muuqaalka muujinaya qaabka argagaxa leh ee laba ka tirsan ciidamada Boolisku ula dhaqmayaan haweenay ummul ah oo ka mid ahaa dadkii khasabka lagaga rarayay dhulka laga binaynayo madaxtooyada cusub ee galbeedka Hargeysa.
Badiba dadka aaraada iyo afkaaraha kala duwan ka bixinayay muuqaalka laga soo duubay falkaasi labada askari kula kaceen haweenaydan uurka leh oo ay baastoolad qoorta kaga qabteen marar badana jiidjiidayaan waxa kaaa muuqanaysa sida shacabku khaati uga taagan yahay soo laab laabashada falalka gurracan ee ciidamada ammaanku ku dhaqmayaan muddooyinkan ugu dambeeyey iyada oo sannadkii hore dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF ay soo saartay warbixin dheer ay ay kaga hadlayaan duruufaha ka jira xabsiyada dalka ee ay gacanta ku hayaan Boolisku iyaga oo ku tala bixiyay in ciidamada booliska Somaliland u baahan yihiin dib u habayn.
Waxa iyana xusid mudan in dhawaan Golayaasha sharci dejinta ee dalku baas gareeyeen wax ka baddal lagu sameeyey xeerka Booliska Somaliland oo ay shacabku filayeen in uu xeerkaasi noqon doono mid dammaanad qaada in ay kaga badbaadaan dhibaatada ka soo gaadha Booliska balse xeerkaasi dib loos oo celiyey wax ka baddalna lagu sameeyey.
Ururrada u doodda xuquuqal insaanka iyo qaar ka mid ah qareennada Somaliland ayaa dhawaan mar ay arrinka xeerkan ka hadlayeen waxa ay sheegeen in ay walaac weyn ka qabaan in xeerkaasi laga saaray qodobo badan oo muhiim ah oo Booliska xakamayn lahaa.